Khabiir Bulshadda Somaliland Uga  Digay Halista  Caafimaad  Ee Taawarrada  Laga Taagay  Gudaha Magaalooyinka

0
460

Hargeysa(Dawan):- Khabiir  ku xeel dheer aqoonta isgaadhsiinta iyo Taawarrada  casriga ah oo la yidhaahdo Eng.Maxamed Cabdilaahi Yaasiin,  ayaa ka digay khatarta caafimaad ee ay bulshadda Somaliland  u leeyihiin Taawarrada laga dhex  taago magaalooyinka iyo waliba khasaaraha caafimaad ee ka dhalan kara  isu dhawaanshaha Taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta.
Waxaanu tilmaamay in  loo baahan yahay in wax laga qabto oo ay shirkadaha Taawarrada Magaalooyinka ka dhex taagay  in ay ka taxadaraan dhibaatada ay dadka u leeyhiin  birahan ay taagteen isla markaana ka fogeeyaan meelaha dadku ku nool yihiin.
Eng.Maxamed Cabdilaahi Yaasiin oo  ah khabiir aqoon durirsan u leh noocyada isgaadhsiimaha iyo biraha war-laliska   ee loo adeegsado Tv-yada, Idaacadaha  iyo isgaadhsiinta Telefoonadda oo Hargeysa socdaal ku yimi ayaa TV-ga qaranku dhawaan ka sameeyeen Barnaamij arrintaasi uu ku falan-qeeyay oo uu soo jeedinayay  Weriye Cabdirisaaq Cismaan.  Kaasi oo dadweynuhuna ku baraarugeen oo ay toos su’aalo mawduucaas la xidhiidha u soo weydiinayeen aqoon-yahankaas.
Khabiirku waxa uu  intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in meel dad degan yahay in Taawar laga qotomiyo oo haddana mid kale oo ku dhow laga sii agtaago taasoo uu sifeeyay  in ay  halis ku tahay caafimaadka dadka ku ag nool goobtaas.
 
Waxaa kale oo uu khabiirku  uga digay dadka shaqaalaha ilaaliyeyaasha  ka ah goobaha ay Taawarradu ku yaalaan in aanay seexan  birta guryaha ku hoos yaalla.
“Waxaan aad  ula yaabay markaan arkay dad Ilaaliyeyaal ah (watch man) ah oo seexanaya guryo birta Taawarka ah ku hoos yaalla. waxaan leeyahay bini’aadmi ayaad tihiin  Taawarkana lama hoos seexdo oo halis ayuu ku yahay nolosha dadka markaa ka fogaada,”ayuu yidhi Eng Maxamed.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay saamayn caafimaad ugu leedahay nolosha aadamiga iyo halista Caafimaad ee ka dhalan karta  dadka ku nool meel ay Taawarro ku yaallaan. “Waxaan soo maray oo aan ku arkay magaaladda Hargeysa meelo ay aad isugu dhow yihiin laba Taawar oo inta  u dhaxaysana ay guryo dad degan yihiin  ay ku yaallaan,taasina waxay khatar ku tahay nolosha dadka ku dhex nool labada Taawar dhexdooda sababta oo ah haddii birta taagan awoodeeda shucaacu yarayd waxaa kordhinaya Taawarka kale ee ku ag-yaalla sidaa darteed, waxaa ka dhalan karta halis  caafimaad oo saamayn karta nolosha dadka,”ayuu doodiisa ku sabobeeyay Eng.  Maxamed  Cabdilaahi Yaasiin.
Khabiirkan oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray in shucaaca Taawarradu yahay mid aan ku habboonayn in dadku meelaha ay degen yihiin laga taago,waxaanu intaa raaciyay in uu aqoon ahaan bulshadda ugaga digayo laakiin aanu cid gaar ah iyo shirkad gooniya midnaba ujeedin   laakiin uu doonayo in uu aqoontiisa  uu soo bartay oo kaliya in uu dadkiisa kaga bad-baadiyo  halis  caafimaad oo uu arkay in ay dadkiisu ku sugan yihiin.
“Ujeedadaydu maaha in aan cid gaar ah ama shirkad gooniya  u jeedo, laakiin waxaan u sheegayaa dhibaatada ay leeyihiin  Taawarradu waa waajib iga saaran dadkayga in aan uga digo khatarta caafimaad ee ay dhex degan yihiin oo aan leeyahay halis ayay caafimaadkiina ku yihiin Taawarradu waxaan arkay dad hoos fadhiya Taawar oo ku sheekaysanaya oo aan garanayn dhibaatada uu caafimaadkooda u leeyahay. laakiin marka loo sheego way ka taxadarayaan markaa anigoo aan cidna ku dhibaataynayn ama u jeedin shirkadaha Taawarrada iska leh ,dhawaan ayaan ku  tallo jiraa in aan war-bixino dhammaystiran ku soo bandhigo Taawarrada iyo saamaynta Caafimaad ee ay bulshadda ku leeyihiin,”ayuu yidhi Khabiirku.
 
Hadaba waxay is weydiintu tahay shirkada Taawarrada magaalooyinka ka dhex taagay miyaanay aqoon ahaan u ogayn dhibaatada iyo khatarta caafimad ee ay dadka u leeyihiin ,haddayse ogyihiin maxay dadka ay ka shaqaystaan ee ay faa’iidadu ka soo gasho  ugu duulayaan caafimaadkooda,mise aqoon darro ayay ka  ahayd oo birta taagisteeda  oo kaliya ayay ka adag yihiin.
Haddii aanay hore u ogayn oo imika khabiir Eng Maxamed  caddeeyay dhibaatada ka dhalan karta Taawarrada maxaa uga  qorshaysan. Waydiimahaa jawaabtoodu waxay u taalla shirkadaha Taawarrada toban tobanka  tallaabo isu jira ka dhex taagay   magaalooyinka  Somaliland oo ay ugu badan tahay caasimadda Hargeysa.
 
 
 
 

Leave a Reply