Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Hargaysa Hadhimo Sharafeed Ugu Sameeyay Madaxweynihii Hore Ee Puntland

0
444

By:  Khaalid Xabsi
 
Hargeysa (Dawan):   Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  shalay casuumad qado sharaf  ah Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa  ugu sameeyay madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo  socdaal shaqsi ah  mudooyinkanba ku ku jooga Hargaysa
 
 
Munaasibadan qado sharafta ah waxaa   ka soo qaybgalay, xubno ka  tirsan golaha Wasiirrada, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga  KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaano ka tirsan  Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  oo halkaasi hadal ka jeediyay waxa uu yidhi “Madaxweynihii hore Puntland Md. Cabdiraxmaan Faroole oo beryahanba ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ku yimid safar shakhsi, waxa inoo sharaf ah in aynu maanta (shalay) halkan ku martiqaadno isagoo ah Oday Soomaaliyeed oo inala jooga.  sharaf  baanay noo tahay isagoo Madaxweynaha hore ugu  tegay oo ay is arkeen. In aanu maantana (shalay)  martiqaadno.”
 
 
Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, oo isna halkaasi ka hadla ka jeeidyay  ayaa  Xukuumadda Somaliland iyo shacbigaba  uga mahadnaqay sida loogu soo dhaweeyay Hargaysa.  Waxaanu  yidhi  “Madaxweyne imaatinkayga halkan waad ka warhaysaan, xidhiidh aan la soo sameeyay oo aan u imanayay si gaar ah,  oo khusaysay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xaaskaygii, qoyaskaygii oo u qaybsama Australia oo aan anigu joogay, Garoowe iyo Hargeysa ayaan ku soo gaadhay, tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karro.
Waxaan   hore u aqaanay oo asxaab ahayd, waxaanu qaraabo nahay iyo in dadweynaha iyo Xukuumaddaba ka mid ah aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sida la iigu  qadariyay intaan halkan joogay.  Idinkana  waan idiin hambalyaynayaa,  waanan idiin mahad naqayaa dhamaantiin haddii  aad tihiin Xukuumadd iyo shacbiba sida fiican ee aad ii soo dhawayseen,  ee xurmada leh oo aad igala qaybqaadateen tacsidaas aad iyo aad baan idiinka mahadcelinayaa”.
 
Sidoo kalena. waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay  guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,     “Waxa qado sharaftan inoo sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici isaga oo adiga (Faroole) kugu maamuusaya, joogitaankaaga iyo imaatinkaaga aad halkan joogtay inay gurigaagii tahay” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
 
 

Leave a Reply