Aqoon-yahanada Sadaasha Cimiladda Oo Ka Digay Kulaylka Caalamka Ee Sii Kordhaya

0
440

Khubarada dhinaca sadaasha cimilada ayaa sheegay in  cimilada sii xumaanaysa ay samayn ku yeelan doonto caalamka,madaama oo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kululaanayso.
Khubaradan ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in haddii kulaylka caalamku sii bato ay suurto gal tahay in barafka fadhiya hareeraha caalamku uu dhalaalo,taas oo khatar ku ah gobolo kamid ah caalamka,gaar ahaana gobolada Galbeedka Maraykanka iyo Australia,sidoo kalena ay samayn ku yeelan doonto magaalooyin kamida kuwa Yurub.
Khubaradan ayaa sheegay in meelaha Barafka ah ee dhulkaasi ay xiligan barfeen in ku dhow 25%,iyaga oo intaas ku daray in haddii ay sida ay maanta tahay kusii socoto ay sannadka 2045 ka la waayaayo meelahaasi barafka ah ,ayna noqonayaan biyo.
Elexander Tchernokolska oo kamid ah khubarada cimilada aadka u taqaana ayaa sheegay in sannadkii 2014 uu ahaa sannadkii ay diwaangeliyeen cimiladii ugu saraysay ee uu arko kulayl ahaan,waxaanu sheegay in uu qoraayey kulaylku heerarka uu maraayo 135 sanno ,intaasna aanu arag halka uu maanta gaadhey,isaga oo sheegay in meelo badan oo Barafley ahi noqdeen kuwo barfay.
Khubaradan ayaa sheegay inay adag tahay in la sameeyo saadaal,madaama oo waqtiga saadaashu ay tahay mid aad u gaaban,waxaanay khubaradani soo jeediyeen in la sameeyo waxyaalo lagaga hortegaayo dhibaatadaasi haysata degaanka,gaar ahaana cimilada sii kululaanaysa.
 
 

Leave a Reply