Xeel-dheereyaal Ruush ah Oo Helay Xayawaan Dhagxaan Noqday Oo Jiray Muddo Ku Siman 400 Oo Million Oo Sanno

0
370

Khubaro kamid ah Saynisyahanada wadanka Ruushka oo baadhitaano ka waday wadankaasi qaybo kamid ah ayaa helay xayawaano noqday dhagxaan, kuwaas oo noolaa siday sheegeen muddo laga joogo 400 oo Million oo sanno,waxaanay khubaradani sheegeen inay xataa xayawaankani ka horeeyeen xayawaanka loo yaqaano Dinosaur-ta oo caalamka muddo hore ku noolaan jirtay.
Khubaradan oo kamid ah masxafka lagu magcaabo Novosibirsk County ayaa sheegay inay dhagxaantan heleen xili ay ku jireen baadhitaano dhinaca xayawaanka iyo shidaalka ah, kuwaas oo ay saarayeen muhiimada xayawaankaasi Dinosaur-ta oo inta badan la yidhaahdo waa xayawaanka noqda shidaalka caalamka maanta laga qoddo.
Khubaradan ayaa sheegay in dhagxaantani hore u ahayd xayawaan ku noolaa halkaasi ,kadibna dhagxaantaasi noqday,waxaanay sheegeen in laga yaabo inay noolaan jireen waqtigii nolol ugu horeysay dunnida qiyaas ahaan,waxaana dhagxaantaasi laga helay Galbeedka Siberia.
Andre Mogako oo kamid ah khubaradaasi ayaa sheegay in aanu hore u arag dhagxaan ka qurux badan kuwan,isaga oo dhagxaan hore uga helay gobolkan Novosibirsk,waxaanu sheegay in laga yaabo in laga helo halkaasi noocyo kala duwan oo shidaal ah.
Khubaradan ayaa sheegay inay baadhitaano dheeraada ku samaynayaan dhagxaantan ,kadibna ay soo gudbin doonaan taariikhda xayawaankani noolaayeen oo sax ah.

Leave a Reply