Geerida la Sheegay ee Hoggaamiyaha Daaliban

0
409

Dowladda Afghanistan ayaa sheegaysa in hoggamiyaha kooxda Afghanistan ee Taliban, Mullah Maxamad cumar, uu geeriyoday.
Haseyeeshee Kooxda Daaliban weli kama hadlin arrintaasi.
Hoogamiyahan oo aan aad lo arki Karin ayay dowladda sheegeysaa inuu geeriyooday “labo ila seddex sano” ka hor.
Afhayeenka kooxda Taliban oo ay la xidhiidhay BBC-da ayaa sheegay in kooxda ay warmurtiyeed ka soo saari doonta arrintaasi.
Waxaa horey u jiray warar sheegayay  dhimashada Mullah cumar, balse tani ayaa ah warkii ugu horreyay ee ka soo baxa dowladda Afghanistan.
Mullah omar ayaa hogaminayay Taliban xilli dagaalkii sokeeye ee dalkaasi, iyadoo Daalibanku ka guuleysteen kooxihii kala duwanaa ee awoodda ku loollamaysay.
Markii dambe waxaa uu isbahaysi la galay hoggamiyaha Al-Qaciddah ee Usama Bin Ladin, taas oo ku qasabtay in Maraykanka ay duulaan ku qaadaan dalka Afghanistan sanadki 2011-ka kadib weerarki 9/11 ee New York iyo Washington.
Wixii xilligaasi ka dembeyay Mullah Cumar ayaa dhumaaleysi ku jiaray, iyadoo Mareykanka u madaxiisa kor dhigay 10 milyan oo doollar oo uu ballanqaaday inuu siinayo ciddii ka caawiso in la qabto ama la dilo.
 

Leave a Reply