Hoggaamiye Islaami ah iyo Laba Wiil oo uu Dhalay oo Bakistan lagu dilay

0
331

Booliska Pakistan ayaa sheegay inay toogasho ku dileen hoggaamiyaha kooxda Sunniga ah ee Lashkar Yayiba ee dalkaasi ka howlgasho.
Booliska ayaa sheegay in Malik Isxaaq uu dhintay kaddib markii dablay hubaysan oo doonaysay inay xoog ku bixiyeen ay rasaas ku fureen gaadhi ay leeyihiin militariga oo isaguna uu ku jiray.
Saraakiisha ayaa sheegay in Isxaaq, labo ka mid ah wiilashiisa, iyo 11 askeri lagu dilay dagaalkasi.
Lix askari ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.
Lashkar Tayiba ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarro ay ku dhinteen  dad badan oo shiicada dalka Pakistan ah.
 

Leave a Reply