Khubarrada Sayniska Oo Ka Digay Tartanka Samaynta Robots-ka Sida Ciidanka Loo Isticmaalaayo Ee Caalamka

0
446

Khubarada sayniska ayaa ka digay tartan ka dhex bilaabmay dawladaha Maraykanka,Shiinaha iyo Ruush-ka,kuwaas oo ku tartamaaya samaynta qalab Robot ah oo u shaqaynaaya sida ciidamada oo kale,kuwaas oo ay sheegeen in loo adeegsan doono ciidan ahaan.
Ninka Billionaire ka ah ee Elon Musk ,ninka sayniska Physics ka ku takhasusay  ee Stephen  Hawking iyo sidoo kalena ninka haysta shirkadda ugu horeysa  dhinaca Technology-ga  ayaa waraaq ay soo saareen waxay kaga digeen tartanka hubka ee ka bilaabmay caalamka,kaas oo u dhexeeya dawladaha waaweyn ee xafiiltanku ka dhexeeyo,waxaanay usoo jeedisay Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa inay kusoo rogto  xanibaad.
Waraaqdan ayay khubadan kala duwani ciwaan uga dhigeen (The Future of Life),iyada oo la sameeyey urur arrimahaasi ka hortagooda ka shaqeeya oo la yidhaahdo Future Foundation,kaas oo la yagleelay markii ugu horeysay 27 July,waxaanu ka qayb gelayaa shir lagaga hadli doono walxahaasi oo ka dhici doona wadanka Argentine.
Khubaradan ayaa sheegay in haddii ciidamada lagu bedelo waxyaalo laga sameeyey qalabka biraha ah ee Robot-ka ay xaalada caalamku noqon karto mid aanay nabad gelin dad iyo dal midna,madaama oo mararka qaarkood ay ka lumi karaan maamulka qalabkaasi dadka hagaaya,sidoo kalena ay iman karto cilado kale oo keena inuu qalabkaasi dhibaatooyin badan horseedo,kaas oo ay tilmaameen inuu noqon karo Kalashnikoofka beri,sidoo kalena noqon kara mid ka khatar badan hubka Nuclear-ka loo yaqaano.
Ugu dambayna khubaradan ayaa sheegay in qalabkani noqon doono mid jaban oo si fudud ku gala gacmaha dadka dembiyada caalamka ka sameeya,sidoo kalena gacanta u geli kara kooxaha Argagixisada ay ku tilmaamaan.

Leave a Reply