Qaza: Israeli oo lagu Eedeeyay Denbiyo Dagaal

0
384

Hayadda caalamiga ah ee Amnesty International  ayaa sheegtay inay jiraan cadeymo  xooggan  oo ku saabsan dembiyo dagaal oo Issraa’iil ka gashay Qasa kadib markii halkaai Xamaas ku qabsatey askari dagaalkii kal hore.
Warbixinta ayaa sheegaysa in lagu dilay  135 rayid ah duqeyn ka dhacdey  Rafah kadib qabsashadii laba xiddigle  Hadar Goldin 1dii  August.  Kaas oo markii danbe la sheegay inuu dhintey.
 
Amnesty  waxa ay sheegtay in ay Israa’iil ku shaqaynayso siyaasad qariban  oo ay ku baabiineyso shacabka.
Israel  ayaa ku gacmosaydhay warbixinta oo ay ku tilmaantay mid aan bays lahayn oo dhinac keliya ah.
Dagaalkaasi oo socdey 50 cisho intii u dhexaysay bilihii July iyo  August, ayaa ku dhamaadeu heshiis.
Dhinaca Falastiin  waxa ku dhintey  2,251 qof  oo 1,462 ka mid ahi shicib ahaayeen, sidaasna waxa sheegtey QM.
Halka dhinaca Israeli  ay ka dhinteen  67 askari iyo lix shicib ahi.
 

Leave a Reply