Socdaalka Madaxweyne Erdogan ee Shiinaha

0
390

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho rasmi ah ku jooga  Beijing si uu ula kulmo dhiggiisa Shiinaha  Xi Jinping.
Mr Erdogan ayaa hoggaaminaya wefdi ganacsato ah oo u socda wadahadal la filayo inuu ku waajahnaado xidhiidhka dhaqaale.
Haseyeeshee wadaxaajoodka waxa kale oo lagu wadaa in lagaga hadlo qorshaha Turkiga ee is maan dhaafka dhaliyay ee la xidhiidha inuu iibsado habka gantaalaha riddada dheer ee shiinaha.
Booqashadiisa ayaa timi kadib xiisada dublomaasiyadeed ee dhawaan ka dhalatay  sida uu shiinuhu ula dhaqmo shacabka muslimiinta ah ee dalkiisa ee lagu magacaabo Uighur kuwaasi oo xidhiidh dhaqan iyo mid diimeed oo dhaw la wadaaga  Turkiga.
Ilaa  100 hoggaamiyeyaasha ganacsiga  iyo maalgashiga Turkiga ah  ayaa ku weheliya  Mr Erdogan booqashadiisa oo dhamaaneysa khamiista.

Leave a Reply