Ardayda Jaamacadda Sanaag Oo Shahaado Sharaf Guddoon Siiyay Madaxweyne Siilaanyo

0
392

Ceerigaabo (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad ay ku qalin jabinayeen arday  dhamaysatay  Kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Sanaag ee magaaladda Ceerigaabo.
 
Madaxweyne Siilaanyo  iyo weftiga uu hogaaminayo  oo maalmahanba   socdaal ku marayay gobolada  Bari ee dalka ayaa  sidoo kale madaxweynuhu waxa uu  booqday cisbitaalka guud ee magaaladda Ceerigaabo.
 
Waxaana madaxweynaha   Shahaado sharaf guddoonsiiyay  ardayda ka qalain jabiyay jaamacadda Sanaag ee Ceerigaabo,   shahaado sharaftaasi oo ay ku tilmaameen in ay madaxweynaha  ku boogaadiyay waxqabadka uu dalka ka sameeyay gaar ahaana  gobolada Sanaag.
 
Madaxweyne Siilaanyo, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi qalin jebinta ayaa ku amaanay ardaydaasi dedaalkii dheeraa ee ay u soo mareen waxbrashadoodda, isagoo tilmaamay in ay maanta gaadheen ka midho-dhalinta hamigoodii.
 
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo shaqooyin loo abuuro intii awoodooda ah ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka. Waxaanu madaxweynuhu kula dar-daarmay ardaydaasi in ay iyaguna noqdaan kuwo  mar kasta  kuwo ka qayb qaata dhismaha iyo horumarka dalka.
 
Wasiirul dawlaha wasaaradda Maaliyada Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), oo ka mid ah xubnaha la socda weftiga madaxweynaha  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradani  shahaadada guddoonsiisay madaxweynaha ay ka dhaadhacday waxqabadka xukuumadda iyo qiimaynta ay ku sameeyeen.
 
Waxaanu  yidhi  “Waa dhallinyaro runtii fahamsan oo ay ka dhaadhacday waxqabadka ay dalka ka hirgalisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo haddii  ay wado tahay, haddii ay  caafimaad tahay iyo haddii ay tahay Dugsiyo tahayba,  waa dhallinyar runtii taageero kuu haysa madaxweyne”.
 
 
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay,  oo isna munaasibadaasi   ka hadlay, waxa uu yidhi “Mudane madaxweyne waa dhalinyartii aqoonyahanka ahaa ee gobolka wax ka bartay waxaana ay doonayaan waxqabadka  aad dalka ka wado in ay  shahaado sharaf kugu siiyaan”.
 
Sidoo kale  arday ka mid ahaa  dhallinyaradii  Shahaadadda guddoonsiisay madaxweyne Siilaanyo oo  halkaasi ka hadlay ayaa  ku amaanay xukuumadda  taladda haysa waxyaabaha ay ka fulisay gobolka Sanaag.  waxaanu yidhi “Madaxweyne waxa aanu nahay dhallinyar aqoonyahana oo ka soo baxday Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibada ah oo gobolkan dib ugu soo noqday waxa aanu go’aansanay in shahaado sharaf guddoonsiino madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
 
Taas  oo ay sababteedu tahay sida dalka aad wax uga qabatay gaar ahaan gobolka Sanaag oo 156 sano oo taariikhda la hayo lahan wado wax aan kuu sheegaynaa madaxweyne ku dhiirashada aad samaysay  in wadada Ceerigaabo la sameeyo waa mid aan abaal kuugu hayno oo taariikhdu ku xusu doonto oo lama ilaawaana” ayuu yidhi ardaygaasi oo u hadlayay ardaydii amdaxweynaha shahaado sharafta gudoonsiiyay.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply