Safarkii SAMA-WADE Ee Madaxweyne Siilaanyo ku Marayey Gobollada Barriga Dalka

0
369

Safarkii Sama-Wade ee M/weynaha Jam. Somaliland iyo weftigiisii cuslaa ay ku marayeen Gobollada Bariga dalka (Saaxil, Togdheer, Saraar, Sool iyo Sanaag), wuxuu ahaa socdaal ay M/weynaha iyo weftigiisii si dhab ah ugu kuur-galayeen xaaladaha nololeed ee dhabta ah ee ka jira degaannada ay booqashada ku marayaan iyo sida ay u socdaan hawlaha dawliga ah ee shacbiga wax loogu qabanayo, ha noqoto xagga horumarka bulshada, nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha iyo baahiyaha muhiimka ah ee ka jira ee u baahan in xukuumaddu wax ka qabato. Safarka Sama-Wade wuxuu ahaa safar muggiisa iyo miisaankiisaba lahaa oo ku qotomay Dareen Xil-gudasho oo dhab ah kaasoo uu M/weynuhu mar kale ku xaqiijiyey ballan-qaadyadii ay xukkuumadiisu ummadda la gashay ee nuxurkoodu ahaa in xukuumaddiisu ay noqon doonto xukuumaddii dadka, dalka iyo danta guud.
 
Waxa xusid mudan in Madaxweyne Ahmed Silaanyo uu noqday hoggaamiyaha keliya ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, haddana u badheedhay inuu muddo ka yar sannad iyo badh booqasho dheer oo todobaadyo qaadatay uu ku maro dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka; Buur, Bannaan, Ban, Xeeb iyo Xuduudahaba.
 
Sama-Wade wuxuu ahaa safar ay hagayeen dareen xil-gudasho iyo xog-waraysi bulsho oo dhab ah. Wuxuu ahaa socdaal taariikhi ah oo salka ku hayey fikir iyo aragti toolmoon oo ka soo maaxatay hoggaamiye ay ka go’antahay inuu ummaddiisa ka war hayo, inuu ummadiisa xaal ogaado, inuu ummadiisa u damqado oo uu daryeelo intii awoodiisa ah.
 
Madaxweynuhu goobihii uu booqanayey wuxuu mar kale ummadda si cad ugu xaqiijiyey inay masuuliyaddiisa tahay inuu dhegaysto isla markaana uu u kuur-galo wixii tabashooyin ah ee jira iyo wixii dhalliilo ah ee ay bulshadu xukuumaddiisa u soo jeediso. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu si kalsooni leh bulshada ugu sheegay in sababta aynu Qaran iyo Dawladba u nahay ay tahay in xukuumaddiisu wax-ka-qabato wixii tabashooyin iyo dhalliilo ah ee jira!! Madaxweynuhu goob kasta oo uu booqdaba wuxuu ummadda ku boorinayey kuna baraarujinayey in laga shaqeeyo samaha, wanaagga, nabad-ku-wada-noolaanshaha bulshada iyo in si dhab ah looga wada qayb qaato horumarinta danta guud ee dadka iyo dalka.
 
M/weyne Axmed Silaanyo iyo xubnaha weftigiisa ee miisaanka leh waxay mar kale ummadda u xaqiijiyeen in xukuumaddani ay tahay:
 
Xukuumaddii horumarka iyo wax-qabadka.
Xukuumad u adeegta danta guud ee bulshada balse aan iyadu ku adeeganin!
Xukuumad ummadda ugu darta balse aan iyadu kaga darsanin!
Xukuumad u danaysa ummadda balse aan iyadu  ku danaysanin!
 
Safarka Sama-Wade wuxuu ahaa safar si shaki la’aan ah shaaca uga qaaday taageerada baaxadda leh ee ay shacbigu u hayaan M/weyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisaba. Gobol, Degmo iyo Tuulo kasta oo ay M/weynaha iyo weftigiisu booqdaan waxaa muuqatay soo dhaweynta diiran iyo rayn-raynta ay shacbigu ku qaabilayeen iyo sida baaxadda leh ee aan loogu kala hadhin soo dhaweynta M/weynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey. Goob kasta oo uu M/weynuhu booqdo, dhammaanba qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay; dhallaan iyo waayeel, rag iyo haween, wiilal iyo gabdhoba waxay isu abaabulayeen oo ay weftiga ugu diyaar garoobayeen si heersare ah. Waxaad arkaysay dad aad u tiro badan oo ay ku jiraan dhallaan aad u da’ yar oo Calankii Qaranka labada gacmoodba ku haysta oo safaf dhaadheer u taagan si ay u soo dhaweeyaan M/weynahooda iyo weftigiisa.
 
Marka dhinac walba laga eego, Safarkii Sama-Wade wuxuu ahaa safar si cad u muujiyey kartida iyo awoodda ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland, shacab ahaan iyo xukuumad ahaanba, iyo inay iyagu iskood wax u qabsan karaan dalkoodana horumarin karaan iyagoon isku xidhin gacan shisheeye!! Kartida iyo awoodda ummadeena waxaa tusaale kuugu filan mashruuca qiimaha leh ee Dariiqa Ceerigaabo oo aan anigu ugu magac daray “Dariiqii Rajada”, kaasoo haatan maraya meel aad u wanaagsan. Safarkii Sama-Wade wuxuu ahaa safar si dhab ah u kasbaday quluubta iyo maanka shacabka isla markaana soo jiitay dareenka shacab-weynaha JSL ee samaha iyo horumarkaba jecel. Wuxuu ahaa safar si weyn u soo jiitay indhaha iyo dhegaha saxaafadda gudaha iyo dibeddaba.
Geba-gabo:
Safarkii Sama-Wade wuxuu ahaa safar si dhab ah uga nixiyey cadowga noocyada badan leh ee JSL ee gudaha iyo dibeddaba. Wuxuu ahaa safar si dhab ah ugu quus-gooyey isla markaana farriin iyo digniin cadba u diray af-miishaarka, si xun wax u sheegga, horumar-diidka iyo kuwa ku xajiimooda wanaagga ummadda u soo kordha ee had iyo jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya. Wuxuu ahaa safar daaha ka rogey Daliilka Guusha Xukuumadda, wuxuuna gar-naqsi iyo markhaati cadba u yahay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ka hirgelisay gobollada iyo degmooyinka dalka muddadaa 5-ta sano ah ee ay talada dalka haysay.
 
Guntii iyo geba-gabadii, guusha ayaa sideedaba cadow badan leh, waana dhacdo dabiici ah inaan cid walba ku farxi doonin horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsato. Laakiin, wax-qabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda hadda talada haysaa waxa qiraya, ka marag-kacaya ee weliba ka mahad-naqayaa waa Shacbiga JSL. Taasina waaDaliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee M/weynaha iyo Xukuumaddiisu ay ka heli karaan ummaddooda. Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,
Eng. Xuseen Aadan Cigge

Leave a Reply