“Socdaalka Madaxweynuhu Waa Qiimaynta Wax-qabadkiisii Iyo Tusmaynta Mashaariicda Kalka Labaad”

0
394

Hargeysa (Dawan)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdicabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay socdaalka uu ku marayo gobollada barriga dalka, waxaanu xusay in socdaalkaasi yahay mid madaxweynuhu ku qiimaynayo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay dalka, si wixii dhiman uu u qabyo tiro kalka labaad ee muddo xileedkiisa.
Suldaan Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu xalay na soo gaadhsiiyay oo u qornaa sidan:-
“Socdaalka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku marayo gobollada Barriga Somaliland waan soo dhawaynayaa, waxaanan u fahmay inay tahay qiimayn uu madaxweynuhu ku samaynayo saamaynta mashaariicda waxqabad ee xukuumadiisu shantii sannadood ee la soo dhaafay ka fulisay gobollada, si I uu  odoras sugan uga soo qaato gobollada dalka mashaariicda uu mudnaanta weyn siin doono shanta sannadood ee kalkiisa labaad haddii ALLE ka dhigo.
Waxaan la xaqiri Karin in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay gobol kasta oo dalka ku yaalla wax weyn ka qabatay,inkasta oo baahidda bulshaddu aanay mar wada dhammaanaynin, haddana waxa loo qirayaa in xukuumadda Siilaanyo Hoggaaminayaa ay ku shaqaysay dedaal xawaare ku socda, isla markaana ay awooda saartay inay maskaxda bulshadda u agaasinto qorshihii la odhan jiray iskaa wax u qabso.
 
Iskaashiga bulshadda iyo dawladdu waa sida kaliya ee dalkeenna lagu horumarin karo, waxaan qabaa inay dawladdu bulshadda dalka oo dhan hamad gelisay, sababta oo ah waxa laga qiyaasi karaa tirada wadooyinka cusub ee laamiga ah ee ka socda gobollada Somaliland  oo  ka dhashay siyaasadda xukuumadda markii ay dhaqan-gelisay in  bulshadii dhisata 5km oo wado ah ay ugu darayso shan KM oo kale.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply