Madaxweynaha Somaliland Oo Burco iyo Berbera Ka Furay Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgaliyay Kuna Soo Laabtay Hargeysa

0
418

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ku gudo jiray socdaalkii uu ku marayay  qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay mashaariic horumarineed oo kala duwan lana dhammaystiray waxaa uu ka furay magaalooyinka Burco iyo Berbera.
Madaxweynaha Somaliland,ayaa shalay waxaa uu magaalada Burco ka furay mashaariic horumarineed oo isugu jirta Waddooyin, kaydad biyood,  laydhka cadceedda ku shaqeeya ee waddooyinka magaalada. Halka uu Madaxweynuhu dhagax dhigay kuwo kale oo isla magaalada Burco laga fulinayo.
 
Mashaariicda horumarineed ee Madaxweynuhu shalay Burco ka furay, ayaa waxaa ka mid ahaa Waddo 2.5km oo u kala baydhi doonta Dugsiga Farsamada Gacanta Burco iyo Ceelka Saleebaan kulul, waxaa kale oo uu Madaxweynuhu furay oo uu xadhiga ka jaray, Soolarta jidadka waaweyn ee Burco, laba waddo oo kale oo 2Km iyo 30m oo xaafada October, 4 taangi biyood oo kaydka biyaha Burco lagu soo kordhiyey  lagana dhisay xaafadaha Sheekh Bashiir, Buqleeya, Jarmalka iyo If iyo aakhiro kuwaasi oo ay iska kaashadeen dawladda hoose iyo Wasaaradda khayraadka  biyuhu.
Waxaa kale oo uu isla shalay Madaxweyne  Axmed Siilaanyo ka furay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Xarunta Ururka Haweenka Qaranka ee NOW iyo Laybareeri loo dhisay naadiga Akhriska ee HAL-KARAAN.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu isla shalay magaalada Burco ku dhagax dhigay mashaariicda Horumarineed oo ay ka mid yihiin Wadada Sayladda Burco iyo laba Taangi biyood oo Ka mid noqon  doona afarta Taangi biyood ee Madaxweynuhu furay.
Intaa ka dib Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay u soo ambabaxeen Saaxil waxaanu Madaxweynuhu markii ay soo gaadheen degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil waxuu dhagax dhigay Ballaadhinta Xarunta Dawladda hoose ee degmada Sheekh iyo Wadada Dariiqada oo dhererkeedu dhan yahay 1 KM iyo 60m.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ku gudo  jiray  socdaalkooda ayaa isla shalayba waxaa uu soo gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay isla markaana lagaga hortegay jidka intaanu soo gaadhin Berbera.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa markii ay gaadheen Dekeda Berbera waxaa ay warbixin ka dhegaysteen Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoorxoor) oo ka hadlay balaadhinta lagu sameeyay dekeda Berbera iyo inta ay dhammaystireen oo cabbirkeegu dhan yahay 24 kun oo mitir oo isku wareeg ah isla markaana qaadi doonta 1500 Koonteendhar.
Madaxweynaha Somaliland oo furay balaadhinta iyo casriyaynta lagu sameeyay qeybta Koonteedharada Dekedda Berbera,ayaa sheegay qiimaha ay Dekedu qaranka ku leedahay iyo sida ay waajibka u tahay in ay horumariyaan, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo intaa ku daray in ay ku dedaalayaan mar kasta ka Xukuumad ahaan horumarinta iyo casriyaynta Dekeda Berbera isagoo Madaxweynuhu caddeeyay in horumarinta Dekedu ay tahay waajib qaran oo lagama maarmaan u ah Xukuumaddiisa kuna dedaalayaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  iyo Weftiga uu hoggaaminayay oo isla shalay soo gunaanaday socdaalkii shaqo ee ay ku soo marayeen gobollada Bariga dalka ayaa xalay maqribkii soo gaadhay magaalada Hargeysa isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeysa iyadoo soo dhaweynta Weftiga Madaxweynaha ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Hargeysa.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply