‘Masuuliyiintii Puntland Ee Buuhoodle Iyaga Oo Hagoogan Ayay Yaaceen’ Wasiir Xaglatoosiye

0
321

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya uga digay in ay xasilooni darro ka abuuraan xuduudaha bariga ee Somaliland, waxaanu shacbiga ku dhaqan Buuhoodle iyo ciidamada qaranka ku bogaadiyay tallaabadii ay ku hor istaageen in Puntland ay sannad-guuradeedii ku xusto gudaha Buuhoodle.
Wasiir Xaglo-toosiye oo u waramay warbaahinta dawlada waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay awood u leedahay difaaca xuduudaheeda iyo qaranimadeeda, waxaanu tilmaamay khasaarihii ka dhacay Buuhoodle in uu masuul ka yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
“Buuhoodle waa Degmo ama Gobol ka tirsan Somaliland, maamulka Puntland wuxuu soo abaabulay shirqool, qas iyo dhib uu ku baa’biinayo nabadgelyadda ka hirgashay deegaanka Buuhoodle, waxay soo direen rag calooshood u shaqaystayaal ah oo isku dayay inay ka dhigaan wax loogu yeedhay sannad-guuradii Puntland , arrintaas markay damceen inay ka hawlgalaan waxa ku kacay ciidamada Somaliland iyo shacbiga Buuhoodle oo arrintaas diiday,” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed.
Wasiirkku waxa kale oo uu intaa ku daray “Dadkii qaswadayaasha ahaa, dhuuni raaca ahaa ee la soo rartay ee Buuhoodle u yimid hawshaa inay galaan iyagga oo hagoogan oo jabay ayay yaaceen. Maamulka Puntland waxaan u dirayaa farriin adag, waxaan leeyahay waad taqaanaan xuduudka inoo dhexeeya ee Ixtiraama, Somaliland ogolaan mayso inaad qas ka samaysaan guddaha Somaliland, xuska sanad guurrada Somaliland kama samayn karno Garoowe, Qardho, Boosaaso, Burtiinle iyo Cadaado, sidoo kale idinkuna (Puntland) kama samayn kartaan gudaha Somaliland sannad guuro Puntland ah.”
Wasiirka caafimaadka Somaliland waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Buuhoodle uu masuul ka yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, waxaanu yidhi “Nabaddgelyo darrada aad maanta ka abuurteen Buuhoodle, dhibtaa ka dhacay, dadbaa ku dhawaacmay masuuliyada idinkaa iska leh, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waanu is naqaanaa, waxaan u sheegayaa Cabdiweli Somaliland iyo Puntland xuduudka inoo dhexeeya waad taqaanaan oo Yoocadu Garoowe 5KM bay u jirtaa, collaadda iyo fidmada Somaliland gudaheeda aad ka waddo haddaad sii huriso saamaynta ugu weyn aday kugu yeelanaysaa, maadaama xadku kuu jiro 5KM.” ayuu yidhi Wasiir Xoglo-toosiye
Sidoo kale Wasiirka Xaglo-toosiye waxa uu intaas ku daray “Somaliland waa Xukuumadd nabadda jecel, waa Xukuumadd aad uga soo horjeeda dhibka iyo colaada, waxaan Cabdiweli (Madaxweynaha Puntlnad) u sheegayaa inuu ka fogaado wax kasta oo nafi ku lumayso, wixii khasaare ee Buuhoodle ka dhacay Cabdiweli Gaas baa masuul ka ah, Somaliland waa Xukuumadda awood u leh inay xuduudaheeda difaacdo, Buuhoodle waxay ku jirtaa ubucda Somaliland, Cabdiweli Gaas waxaan leeyahay naga daa dhibka, qaska iyo nabaddgelyo darrada. Shacbiga reer Buuhoodle iyo ciidanka Somaliland mar labaad waxaan uga mahadcelinayaa sidii sharafta mudnayd ee ay u cadeeyeen uguna quusgooyeen dhuunuqaatayaashii Garoowe laga soo diray.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply