Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Oo Lagu Qabtay Hargaysa

0
329

Hargaysa (Dawan): Bandhiga caalamiga ah ee todobaadka  Buugaagta Hargaysa (Hargeisa International Book Fair), ayaa Sabtidii doraad si rasmi ah uga furmay hudheelka Guuleed ee magaaladda Hargaysa, Kaasi  oo socon doona ilaa lixda bishan.
 
ban-dhigaasi  oo noqonaya kii  8-aad ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland. iyadoo halkudhiga sannadkani uu ahaa “Barrada”. Waxaana ka soo qayb galay munaasibadii furitaanka   Ban-dhigan Buugaagta Hargaysa masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Qorsheynta Mr. Cabdikariin A. Mooge, Wasiir-xigeenka Warfaafinta Marwo  Shugri Xariir  Ismaaciil, Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo marti sharaf kale.
 
Waxa  kale oo goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday safaaradda dowladda Ingiriiska ee Addis Ababa, shakhsiyaad iyo aqoonyahanno ka socday dalka Nigeria oo sannadkan lagu marti-qaaday munaasibadda iyo marti-sharaf kale oo heer caalami ah. Wasiirka Qorshaynta  Dr.  Sacad Cali Shire,    ayaa ku dhawaaqay in munaasibadaasi ay furan tahay, isagoo xubnihii mati sharafta ahaa ee dunidda ka kala socdayna ku soo dhaweeyay in ay kala qayb galaan ban-dhigani. Waxaanu yidhi “Waxaan filayaa in aad nala wadaagi doontaan farxada bandhiga buugaagta caalamiga sideedaad ee  Hargeysa.  Waxaanan  ku dhawaaqayaa inay inoo furan tahay”.
 
 
Waxa kale oo uu sheegay Dr.  Sacad   in  carwada Bandhigga Buugaaggta Hargaysa ee  sanadkan ay ka  xiiso badan  tahay  kuwii sannadihii ka horeeyey,  maadaama ay ka soo qaybgaleen waddamo fara badan oo aan ahayn kuwii hore  uga soo qaybgeli  jiray.  Sida  dalka Nigeria oo ay sanadkan ka socdaan marti sharaf badan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir,  oo iyadna madashaasi  ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhoweynayaan cid kastoo ku hawlan horumarinta dhaqanka Somaliland.
Waxaanay  tidhi  “Nageynta, cid kasta oo isku-deyda nageynta dhaqanka iyo jiritaankiisa aad baan u soo dhoweynayanaa, dhalinyarada balwadahii iskaga tegay ee samaystay naadiyada Akhriska aad baan ugu mahadnaqayaa. Waxaan rajeynayaa inay noqdaan maskaxdii aanu ku faanaynaynay hadaan nahay bulshoweynta Somaliland”.
 
 
 
 
Sidoo kale  Drs Adna Aadan Ismaaciil,  oo iyana madashaasi  ka hadashay waxay sheegtay inay munaasibaddani soo dhaweyn gaara iyo qadarinba siinayso martisharafta ka socota dalka Nigeria iyo guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha shirkan muhiimka ah.
 
Waxa  kale oo ay sheegtay Edna  in halku-dhiga sannadkan ee “Barada” tahay wax dhinac walba looga baahan yahay, hadday tahay barro-dhaqan, barro-siyaasadeed, barro-waxbarasho iyo kuwo kaloo badan. Waxaanay tilmaantay inay farxad weyn u tahay inay horteeda fadhiyaan laba hablood oo ardaydeedii ahaan jiray, xilligana kaalimo sare kaga jira horumarka dalkooda iyo dadkooda.
 
“Raaqiya xaaji Ducaale iyo Shugri baandare, wasiirka Dhirta iyo Daaqa waxay ahaayeen ardaydii hore, heerka ay gaadheena si kal iyo lab ah ayaan ugu faraxsanahay, Xukuumada waxaan leeyahay ha noqon mid wax cabudhisa, xisbiyada mucaaradkana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo wax dumiya, saxaafadana waxaan leeyahay ha noqonina kuwo caaya” ayay tidhi Mrs Enda Aadan.
 
Bandhiga caalamiga Siddeedaad ee buugaagta Hargeysa waxa sidoo kale ka halday marti-sharaf caalami ah oo lagu marti-qaaday kuwaas oo ka kala socday dalalka Koonfur Afrika, Masar, Cameroon, Kenya, Ghana, Ugandha, Turkey, Australia, Sweden Denmark, Italy, UK iyo Maraykanka.
 
Bahda Suugaanta, Sawir-qaadayaal, fanaaniin, Madbacadaha dalka, 4 Jaamacadood oo dalka gudihiisa ku yaalla iyo Lix Naadi Akhris oo ka socda gobollada dalka, ayaa la fiilayaa inay madashada ka hawlgalaan muddadad lixda maalmood ah ee uu bandhiggu socdo.
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply