Burundi: Mr Mbonimpa oo la toogtay

0
399

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ku baaqay in la baadho toogashadii nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha dalka Burundi.
Mr Mbonimpa, ayaa weerarkiisu uu dhacay maalin kaddib dilkii Axaddii ee general ciidamada ka tirsanaa oo ahaa saaxiib ay isku dhow yihiin madaxwayne Pierre Nkurunziza, taas oo dhalisay cabsi ah in rabshaduhu ay sii kordheen.
Pierre Claver Mbonimpa ayaa ahaa nin u ololeeya xuquuqda aadanaha dalka Burundi.
Dhowr jeer oo hore ayaa la xidhay kaddib markii uu ku eedeeyay dowladda xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaanna kuwa ay gaysteen hay’adda sirdoonka, xilligii uu hoggaaminayay jeneraalka ciidamada ee Isniintii la toogtay.
Mr Mbonimpa ayaa ahaa xubin firfircoon oo aad uga soo horjeeda in mar saddexaad uu isa soo sharaxo madaxwayne Pierre Nkurunziza, oo uu si aan qarsoodi lahayn u taageeray dibedbaxyada looga soo horjeedo tallaabada uu madaxwaynuhu qaaday.
Diblomaasiyiin badan oo ajnabi ah, ayaa isbitaalka ku booqday u ololeeyaha xuquuqda aadanaha dalka Burundi. Bulshada caalamka ayaa ku dhiirigalisay dhinacyada in ay wadahadlaan si xal loogu helo dhibaatada siyaasadeed ee dalka Burundi.
Isagoo hadlayay weerarka kaddib, ayaa ku xigeenka kooxdan xuquuqda aadanaha wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday hoggaamiyahooda uusan ahayn mid lama filaan ah, balse la sii qorsheeyay sababtoo ah waxay horay u sii maqleen qorshaha dilka, ka hor inta uusan dhicin.
Dhinaca kale, habeen hore  ayaa rabshado kale la soo sheegay, iyadoo rasaas ay ka dhacaysay qaybo kala duwan oo caasimadda.
Isniintii  maqribkii, hal qof ayaa ku dhintay xaafad ka mid ah magaalada.
 

Leave a Reply