Xildhibaanno Sharci Kula Garnaqsaday Siyaasadda Madhalayska Ah Ee Guddoomiye C/Raxmaan Cirro

0
341

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha aqalkooda inuu is casilo maadaama uu sharci darro ku sheegay muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo Golahooda.
Xildhibaanada kala ah Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay sharci tahay muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo golaha wkaiiladda waxaana ay tilmaameen in guddoomiye Ciro ku fadhiyo muddo kordhinta guurtida isla markaana aanay haboonayn in uu muddo kordhinta ku sheego in ay sharci darro tahay.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ugu horayn ka hadlay dhawaaqii ka soo yeedhay guddoomiye Cirro ee uu ku sheegay in ay sharci darro tahay muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo wakiiladda waxa uu yidhi “Waxa aanu leenahay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee sharci darrada ku sheegay muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo Golaha Wakiilada haddii ay sharci darro tahay ha iska casilo xilka uu hayo kuraasta ha baneeyaan xildhibaanada Waddani.”
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac waxa kale oo uu intaa ku daray “Waa sharci muddo kordhinta guurtidu, waayo intaas oo jeer ayay muddo kordhin u sameeyeen golaha wakiilada oo toban sanadood ayaanu fadhinaa kuraasta.Komishankuna shaqo kuma laha in ay mudeeyaan wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan shaqadaana waxa leh golaha guurtidu.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa isaguna tilmaamay in loo baahan yahay inay is casilaan xildhibaanada mucaaradka ah ee sharci daradda ku sheegay muddo kordhinta golaha guurtida u sameeyay xukuumadda iyo golaha wakiillada waxaana uu yidhi “Golaha Guurtidu inta jeer ee ay muddo kordhin sameeyeen waa la ogyahay haddii doorashadu dib u dhac ku yimaado oo wakhtigeedii la qaban waayo duruuf kastaa ha keentee golaha guurtida ayaa muddo kordhin samaynaya waana dastuuri xildhibaankii yidhaahda waa xaaraan muddo kordhintu waxa fiican inuu is casilo laakiin golihina waan idinla fadhiyaa xaaraana waan ku sheegayaa muddo kordhinta, ma suurto galayso.”
Xidlhibaan Xasan Cawaalle Caynaan ayaa isaguna sheegay in guddoomiye Cirro ku fadhiyo muddo kordhintii golaha guurtida isla markaana xildhibaanada golaha wakiiladu ku fadhiyaan sharci waxaana uu yidhi “Guurtida waxa dastuurku siiyay in ay sameeyaan muddo kordhin sababtoo ah anaga shan sanadood ayaa nala soo doortay haddii aanu nahay Golaha Wakiilada waxa aanu fadhinaa toban sanadood oo uu guddoomiye ka ahaa C/raxmaan Cirro markaa wax sharci darro ahi ma jiraan sharci ayaanuna ku fadhinaa kuraasta  ninkii xaaraan ku sheegay ha iska casilo kuraasta golaha Golaha.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply