Madaxa xafiiska siyaasadda Taliban ee Gadar ayaa iscasilay, taasi oo ah caalamadii ugu dambeysay ee kala qeybsanaanta kooxda kaddib dhimashadii hoggaamiyhoodii Mullah Omar.
Syed Mohammad Tayab Agha ayaa ku sheegay sababta ugu weyn ee keentay iscasilaadiisa, inay ka timid sida muuqatay ay Talibanku u qariyeen dhimashadii Mullah Omar labo sano ka hor. Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan suuragal aheyn inuu la shaqeeyo hoggaamiye lagu doortay meel ka baxsan Afghanistan. Xubno sare ayaa sheegay inaan lagala tashan magacowga hoggaamiyaha cusub ee Taliban, Mullah Akhtar Mansour.
Tani ayaa ah calaamadii ugu dambeysay ee kala qeybsanaanta ka dhex jirta Taliban, wuxuuna Tayab Agha sheegay inay tahay in waxkasta wax looga qabto gudaha Afghanistan oo ay ku jirto magacawga hogaamiye cusub. Si toos ah uma magacaabin Mullah Akhtar, balse wuxuu ku tilmaamay khalad taariikheed magacowga hoggaamiyaha cusub.
Isniintii ayey kooxda soo saareen muuqaal Video ah, oo tiro badan oo ka tirsan kooxda ku ballanqaadayaan inay daacad u yihiin Mullah Mansoor.