Wefti Ka Kooban Komishanka Iyo Xisbiyadda Oo Socdaal Ugu Baxay Barriga Dalka

0
373

Hargeysa (Dawan)- Wefti iskugu jiray masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi qaran, Wasaaraddaha gaashaandhiga, arrimaha guddaha iyo Baarlamaannka Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shalay hawlo shaqo oo la xidhiidha dardargelinta diwaangelinta codbixiyayaasha ugu ambabaxay gobolada bariga Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Maanta (shalay) oo Salaasa  ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame
Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.
Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:

  1.  Gudida Komishanka Qaranka.
  2.  Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
  3.  Wasaarada gaashaandhiga.
  4.  Wasaarada arimaha gudaha.
  5.  Golaha guurtida.
  6.  Golaha wakiilada.”

 

Leave a Reply