Shirkadda Dhismaha Iyo Xirfad Abuurka Ee Aayatiin Oo Ka Warbixisay Hawlaheeda Shaqo

0
316

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Shirkadda dhismaha iyo xirfad abuurka ee Aayatiin Eng Maxamed Cismaan Axmed ayaa ka hadlay waxqabadka shirkada iyo kaalinta ay kaga jirto horumarka iyo dib u dhiska dalka, xiligii la asaasay iyo adeegyada ay bulashada u qabto ama ay ku hawlan tahay wakhti xaadirkan.
Guddoomiyaha shirkada Aayatiin Eng Maxamed Cismaan Axmed waxa uu sheegay in shirkadoodu ay  ka mid ah shirkadaha ugu da’da weyn Somaliland, saamayn ballaadhana ay ku leedahay  horumarka nolosha iyo  dib u dhiska dalka.
Eng. Maxamed Cismaan Axmed waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyasy wargeyska DAWAN, oo ku booqday xafiiska shirkada Aayatiin ku leedahay caasimadda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:
S: Guddoomiye Eng Maxamed  bal waxaad ugu horayn noo sheegtaa wakhtigii aad aasaastay shirkada Aayatiin, muddada ay jirtay iyo sharci ahaan waxa  qorshe idiin ah ee aad raacdaan.
J: Shirkadan waxa la aasaasay sannadkii 2001-kii, waxaanay shaqaynaysay muddo 15 sanno ah. Sharci ahaana waxaanu leenahay xeerar hoosaad maamul ahaan lagu hago dhamaanba habka shaqo iyo hanaanka maamul iyo maaliyadeed ee Aayatiin kaas oo la tixgeliyo.
S: Gudoomiye mudadan badan ee ay jirtay shirkada dhismaah Aayatiin tiro ahaan maxaa guryo dhisteen maxayse  kala yihiin labada qaybood.

  1. Mudadan shirkad ahaan aanu jirnay ee aanu shaqaynaynay waxaanu suurtagelinay inaanu dhisno 821 guri, waxaanay kala yihiin 186 ah nooca loo yaqano dabaqyada (fooq-yada) 635 guri oo ah nooca bangalooyinka jiingada la saaro, waxa intaas dheer guryaha la dayactiray oo dhismahoodu ahaa xilligii Somaliya kuna burburay dagaaladii wadanka ka dhacay.

S:  Dabcan shaqadiinu waa dhisme guri, Eng Maxamed  waxaad faahfaahin naga siisaa hanaan loo kala horaysiiyo dhismaha ee sharciga ah.
J: Waa run, dhismaha waxa ugu horaysa qaybta wastaadada, labaad qaybta nijaarka, qabta saddexaad laydhka, bayamanka, qurxinta, rinjiga iyo marmarka, waxaan isbedelin farsamo ahaan iyo farsamo yaqaan kaba.
S:  Sida aynu ognahay dhismuhu waa hawl muhiim ah oo u baahan maamul, farsamo iyo qalab kaabe u ah, shirkada Aayatiin maxay ka haysataa saddexdan arrimood ee fulinta shaqada.
S: Marka koowaad waxaanu leenahay maamul ku sugan xafiisyada oo kala danbeyn iyo darajo leh,  farsamo yaqanao shanta qaybood ka kooban oo suurta geliya dhismaha guriga, iyo qalab ama kaabayaal oo ay ka mid yihiin gaadiidka booyado, iskarogooyin,  gaadhi ximeero, gaadiidka maamul,  sida kormeerka geerashyo, jaajuur, albaabo, daqado, tawangi, geerash Almuniyam, tawaangi sakkaalado jaraf iyo kuwo la mid ah, iyo jeegag guud ahaan Aayatiin waxay leedahay  awood aad u balaadhan mid maamul, farsamo, dhaqaale, gaadiid iyo dhamaan kaabe dhisme oo casri ah.
S: Shirkadaha dhismaah waxaa lagu tilmaamaa inay maalin kasta shaqaale aad u badan hawlgeliyaan, shirkada Aayatiin hadaad tihiin imisa qof  ayaad shaqo gelisaan maalintii iyo bishiiba?
J: Marka hore tirada  shaqaaluhu waxay la socotaa awooda shaqada, hadana tirada ugu yari waa 100 qof maalintii, bishiina waa 30067 oo qof intaas ayaa nolol maalmeedka ka heli jirtay.
 
S: Maxaa soo saarteen  ee farsamo yaqanno ah ee qaybaha dhismaha noqday?
J: Waa dhab runtii shirkadaha ama shaqada dhismaha waxaa dhaxal-gal ka ah ee ay abuurtaa waa farsamo yaqaanada dhismaha, mudadan ay jirtay Aayatiin waxaanu soo saarnay oo diiwaangashan si dhamaysa (400) oo qof oo bartay  ama noqday farsamo yaqaano dhismaha ah weliba darajada A ama 1aad waa guul.
S: Xukuumada Somaliland ee haatan talada haysa iyo madaxweynaha hogaamiya dalka  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay shaaciyeen in dhallinyarada tahriibka  laga badbadiyo oo shaqo abuur loo sameeyo idinka shirkada Aayatiin maxaa idiinku qorshaysan dhallinyarada?
J: Waxaanu diyaar u nahay dhaqaale  ahaan iyo farsamo ahaanba in aanu ka qayb galno waxaanu bilaabaynaa oo aanu naadinay  dhallinyarada in aanu u furno tababar oo aanu barno farsamada  dhismaha ka dibna aanu shaqo galino,  waxanu soo dhaweynaynaa cidda naga caawinaysa qalabka tabarka lagu qaadanayo Aayatiin ahaana waanu ku hambalyeynaynaa Madaxweynaha.
By. Cabdiwahaab Ibraahin Cilmi 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply