Wasaaradda Daakhiliga Oo Ka Hadashay Muran Dhul Oo Sababay Khasaare Nafeed Oo Ka Dhacay Hargeysa

0
335

Hargeysa (Dawan)- Ilmo Carruur ah oo sagaal jir ahaa ayaa xalay  dhintay, laba qof oo kalena way dhaawacmeen ka dib markii dadweyne Cadhaysani ay weerareen ciidanka Booliska oo ilaalinayay Dhismaha Guri laga dhisayay xaafadda Jig-jiga yar oo loo joojiyay muran ka taagnaa dhulkaas.
 
Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Cabdi Daahir Cammuud oo dhacdadan wargeyska DAWAN, wax ka weydiiyay waxa uu yidhi “Waxa maanta(shalay) ka dhacday Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargeysa Guri la dhisayay oo dhulkiisa la isku haystay ayay Dawladda Hoose tidhi hala joojiyo, ka dibna ciidanka Boolisku way joojiyeen oo meeshii ayay tageen markaa dad ayaa diidanaa in la joojiyo oo booliskii shiiday, hase yeeshee gambalkii markii uu dhacay xalay ayaa waxa haddana meeshii yimid dad kale waxaanay weerareen  Ciidanka booliska ee goobtaas ku sugnaa.”
 
“Markii ciidammadii la dhagaxeeyay ee la soo hujuumay waxa goobtii ku dhintay ilmo yar oo sagaal jir ah oo xabadu jeeraaro ugu tagtay meel u dhow dhulkan, halka laba qof oo kalena ka dhaawacmeen,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Amniga Cabdi Daahir Cammuud.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaasi ku daray  inuu ka xun yahay khasaaraha goobtaas ka dhacay, waxase uu dadweynaha ugu baaqay inaanay waxyeelaynin ciidammadda Booliska ee nabad-gelyadda sugaya, waxaanu tilmaamay inay jiraan askar wax ku noqotaydhagaxaantii ay tuurayeen  dadkii  diidanaa  joojinta dhulkaasi. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad loo qab-qabtay dhacdan oo Boolisku xidheen.
Mushkiladda dhulka oo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay Caasimadda Hargeysa, oo marwalba khilaafka dhulku sababo khasaare iskugu jira dhimasho iyo Dhaawacba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply