Hargeysa (Dawan)- Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in ay qaadaceen xeerka lagu soo dooranayo mudanayaasha golaha Wakiiladda oo hor yaala golahaasi.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xildhibaan Mahdi Xuseen Cadare (Mahdi Gees), Xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale), Xildhibaan C/qaadir Jibriil Tukaale iyo Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay caddeeyeen in aanay aqbali doonin kana qaybgali doonin dooda xeerka doorashadda golaha wakiilada oo ku jira ajandaha kal-fadhiga 28 ee furmay, waxaana ay doodeen in aanay ku qanacsanan in gobolka Awdal 13 xildhibaan ku yeesho aqalka hoose ee Baarlamaanka.
“Waxa aanu ka hadlaynaa arrin masiiriya oo ay ka warwarsan yihiin ummaddii aanu wakiilka ka ahayn oo ajanadaha kal-faldhiga 28aad ku jirta oo saamaynaysa mustaqbalka shacbiga aanu wakiilka ka nahay arrintaasu waxa weeye xeerka golaha wakiilada lagu soo dooranayo,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle.
“Xeerka Golaha Wakiilada, golihii ka horeeyay golahan ee la soo doortay 1997-kii illaa 2005-kii, murankii ka dhashay xeerkan xildhibaanadii wakhtigaasi meelna way u saari waayeen, xildhibaanadii ka soo jeeday gobolka Awdal way qaadaceen saami qaabsigii gobollada ee xildhibaanada golaha wakiilada 13 xubnood ee loo qoondeeyay gobolka Awdal cadaalad darro ayaa ku dhacday.” Ayuu yidhi xildhibaan Xildhibaan Axmed Yaasiin, waxaanu intaa ku daray “Sannadkii 2005tii wixii ka horeeyay xildhibaanada gobolka Awdal waxay ahaayeen 16 xildhibaan, laguma qanacsanayn 16 xildhibaan in gobolkaasi yeesho, dood ayaana ka furnayd oo madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dad yaqaan ah oo dawlad yaqaan ahaa oo ogolaa in tabashada ka jirta gobolka Awdal wax la qabto oo in badan laga balamay laakiin tirada laysku afgaran waayay 16 laga cabanayay wax lagu daro iska daayoo wax baa laga dhimay oo 13 ayaa la marsiiyay iyadoo la yidhi doorashadaas ayuu ictiraafku ku xidhan yahay.
Waana ku meel-gaadh oo xeerkan maanta oo qudha ayaa lagu galayaa doorashada waxaanu mawqifkayaga ku caddaynaynaa in aanaan aqbalayn oo aanaan ogolaanaynin ku meelgaadh dambe oo lagu galo doorashada golaha wakiiladda oo ku dhex fadhiyi mayno golaha 13 xildhibaan doorashana lagu geli maayo gobolka Awdal.”
Xildhibaan Mahdi C/laahi Xuseen Cadare (Mahdi Gees) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay ka qayb-geli doonin dooda xeerka golaha wakiilada ee aqalkaasi horyaalla waxaana uu yidhi “Waxaan ka hadlaynaa waxa weeye xeerkii lagu soo dooranayay golaha wakiilada oo ajandaha ka kalfadhigan ku jira waana qoddob xaasaasiya oo xukuumadihii hore ka cago jiideen samayntiisa.
Xeerkaasi ku meel gaadh ayuu haa waxaana la rabaa in ku meel gaadh lagu ansixiyo ku meel-gaadhna dalku ku jiri maayo qaranimana ku noqon mayno waana diidanahay qodobkaas kamana qayb-gelayno dooda xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada waanan qaadacnay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office