Firir gantaal oo laga helay burburkii MH17

0
371

Dembi baarayaasha dalka Netherlands ayaa sheegay in ay heleen wax u eg firir gantaal, oo ay ka heleen halka ay ku dhacday diyaaradii duulimaadkeedu ahaa MH17, ee lagu soo riday bariga Ukraine sanadkii lasoo dhaafay.

Balse baarayaasha ayaan xaqiijin in firirkaasi uu qeyb ka ahaa sababta ay diyaaradda usoo dhacday.
Ukraine ayaa ku eedeeysay xooggaga gooni u goosaska ah ee Ruushka taabcsan in ay diyaaradda gantaal kusoo rideen.
Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa soo riditaanka diyaaraddaasi.

Leave a Reply