Sidee Ayaad Dadka u Kasban Kartaa?

0
383

Markii ay cashadii diyaarisay ayay gubatay roodhidii , waxa ay isku qancisay inay casho uga dhigato taasi caawa.  Odayguna markii uu arkay roodhidii oo gubatay wuu iska cunay maxaa yeelay wuxu og yahay in isaga awgii ay dabka u gashay.
Wiil yar oo uu dhalay oo ag fadhiyay ayaa ku yidhi aabo “ Roodhidu way gubatay” laakiin aabaha ayaa hadalkaasi dhaafiyay oo ka waraystay dugisigiisa iyo wabarashada.
Wax yar ka dibna gabadhiisa ayaa soo noqota oo ku tidhi “ Iga raali ahaw , caawa waxaan ku keenay roodhi gubataye”. Isaguna wuxu ku jawaabay “Roodhida gubatay ayaa aad u jeclahayba”.
Maalin danbe ayuu wiilkiisu weydiiyay aabo miyaad jeceshahay roodhida gubatay? Waxaan uu ugu jawaabay “ Aabo hooyadaa way daalanayd, wayna shaqaysay, waxba roodhida gubata nama yeelayso laakiin iyada Erayga xun aya dhibaya” Xikmaduna waa niyadda qofka waxaad ku kasban kartaa erayadaada wanaagsan.

Leave a Reply