Boorama (Dawan):- Hal qof ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka koonfureed ee magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Baabuurakn shilka galay oo ay saarnaayeen xubno isugu jiray siyaasiyiin oo uu ka mid ahaa Xidhiidhiyaha Xisbiga UCID ee gobolada Awdal iyo Selel Cumar Daahir, Xili uu ka soo laabtay safar uu ku joogay magaaladda Hargaysa.
Baabuurkan oo uu lahaa sida la sheegay Cumar Daahir isla markaana uu isagu waday ayaa waxa la saarnaa seddex qof oo kale. Hase yeeshee waxaa shilkaasi ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee marxuun Cabdalle Cabdiraxmaan Maxamed oo baabuurkaasi saarnaa.
Waxa kale oo isna shilkaasi ku dhaawacmay Cumar Daahir Cilmi , halka ay laba askari oo iyagu ka soo raacay xerada ciidanka ee Goroyo-cawl ay ka bad baadeen shilkaasi .
Baabuurkaasi oo noociisu ahaa ZUZUKI ayaa markii uu shilka galay waxaa uu dhaawac ka soo gaadhay laba qof kuwaasi oo markiiba cusbitaalka loola cararay. Balse waxaa markii danbe cusbitaalka guud ku geeriyooday marxuumka.
Waxaanay wararkii u danbeeyay ee aanu ka helnay arrintaasi ay sheegayaan in xalay Xidhiidhiyaha Xisbiga UCID ee gobolada Awdal iyo Salel Cumar Daahir uu ku xidhan yahay saldhiga Boorama.Waxa kale oo la sheegay in marxuumkii lagu aasay isla shalay magaaladda Boarama.
Dawannews Hargeysa office