Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Sarkaalkii Lagu Dilay Boorame

0
325

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland iyo ciidammadda qaranka ka tacsiyadeeyay Geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Xidigle  Marxuum  Faarax Caraale Waabari oo u geeriyooday ka dib markii uu toogtay askari ka tirsan ciidanka qaranku Salaasadii la soo dhaafay.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed SiIlaanyo ayaa  tacsi u diray, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Militeriga oo uu ka tacsiyadaynayo geerida ku timid ALLE  ha u naxariistee Xidigle  Marxuum  Faarax Caraale Waabari oo 11/08/2015, (Salaasadii) u geeriyooday toogasho uu u geystay mid ka mida ciidanka qaranka, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay taliyihii aaga galbeedka Gaashaanle sare Xasan Caaqli  oo hada lagu daawaynayo Cusbitaal ku yaal Jabuuti, madaxweynuhuna waxa uu ALLE  uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo sarkaalka.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply