Maxaad Ka Taqaanaa 10 Madaxtooyo Oo Caalamka Ugu Quruxda Badan?

0
411

Madaxtooyooyinka caalamka ayaa ah kuwo kala duwan qaab ahaan iyo dhisme ahaan intaba,kuwaas oo mid waliba ay u dhisan tahay qaab gaar ah,taas oo calaamad u ah wadankaasi ,waxaana dhowaan lasoo saaray tobanka madaxtooyo ee ugu qurux badan caalamka.
Madaxtooyooyinka lasoo bandhigay laguna soo qoray wargeyska Daily Mail oo uu kazoo turjumay waregysa Dawan ayaa kala ahaa sidan hoos ku xusay:-
1:White House:waa guriga cad ee wadanka Maraykanka ,kaas oo aan laga xukumin oo keliyaata wadanka Maraykanka waxa sidoo kale laga xukumaa caalamkan Ilaahay ka sokow,iyada oo laga min guuriyo siyaasaadka caalamka.
2:  Presidential Palace, Dushanbe (Tajikistan):waa guriga looga taliyo wadanka Tajikstan ,waana wadan kamida wadamadii ka go’ay midawga Soofiyatii,kaas oo ku yaala qaaradda Aasiya ,waxa uu kaalinta labaad ka galay wadamada ugu madaxtooyada Quruxda badan.
3:  Ak Orda Presidential Palace, Astana (Kazakhstan):waa qasriga madaxtooyada ee wadanka Kazakhstan ,waana wadan isna kamid ahaa wadamadii bur buray ee midawga Soofiyatii,isaga oo waqtigan ah wadan madaxbanaan,waxa uu kaalinta saddexaad ka galay wadamada ugu madaxtooyada qurux badan,isaga oo ku dhex yaala meelo wabiyaal maraan ,aadna u cagaaran.
4: Presidential Palace, Abu Dhabi (UAE):waa qasriga looga taliyo wadanka isu taga imaaraadka Carabta,waana qasri loo dhisay si ka duwan qasriyada caalamka,waxaanu kaalinta ku afraad ka galay qasriyada caalamka ugu quruxda badan,isaga oo baaxad ahaan noqday mid aad u weyn.
5: Prague Castle, Prague (Czech Republic):waa qasriga looga taliyo wadanka Czech Republic,waana qasri aad u weyn oo aad uga duwan dhismayaasha caasimada ku yaala,isaga oo meel gaara loo dhisay,waxa meesha uu ku yaalo laga dhisay qarnigii 9-aad,kaas oo madaxtooyo u ahaa xukumeyaashii wadankaasi,waxaanu gaadhayaa baladh  ahaan inta uu ku fadhiyo 70,000m2,halka uu dhererkana gaadhaayo 570 meters. 
Lasoco…
 
 

Leave a Reply