Doonyaha Mustaqbalka Oo Loo Samaynaayo Qaabka Diyaaradaha

0
285

Khubaro u dhashay wadanka Ruushka ayaa diyaarinaaya sidii ay u samayn lahaayeen doonyo sida diyaaradaha u samaysan ,kuwaas oo ay sheegeen inay rajaynayaan inay ka dhigaan kuwo habka diyaaradaha u duuli kara,iyaga oo ka kacaaya badda.
Nink ganacsade ah oo u dhashay wadanka Ruushka ,laguna magcaabo Vasily Kliukan ayaa soo bandhigay qorshe la doonaayo in lagu sameeyo doontaasi habka diyaarada u shaqaynaysa,waxaanu sameeyey markii ugu horeysay shax iyo sharaxaad loo sameeyey hab Video ahaana.
Ninkan ayaa sheegay inuu doonaayo in lasoo saaro sannadkan dhamaadkiisa diyaaradahaasi sida doonyaha u samaysan ee badda dusheeda mari kara kuna duuli kara,kuwaas oo fududayn doona waxyaalo badan.
Ninkan ganacsadaha ah ayaa sheegay inuu u sameeyey doontan magac cusub oo la odhan doono Monaco 2050,isaga oo sheegay inuu doonaayo inuu dunnida ku baahiyo sannadka 2050,waxaanay doontaasi yeelan doontaa laba baal oo marka loo baahdo soo bixi kara ayna ku duuli karto.
Ugu  dambayn khubarada hawshan qandaraaska ku qaadatay iyo sidoo kale ninkan ganacsadaha ah ayaa sheegay inay doontan saari doonaan laba mashiin oo mid yahay nooca diyaaradaha midna kuwa doonyaha,kuwaas oo shaqo ahaan laysu bedeli karo.
 
 

Leave a Reply