Hargaysa (Dawan): Maxakamadda dastuuriga ah ayaa wax ka waydiisay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI aragtiyahoodda ku aadan qoraalkii uu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay maxkamadda Sare ee uu kaga dalbanayay in ay tafsiir sharci ka soo bixiso go’aankii Guurtidu ay muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha Wakiiladda iyo sidoo kale dib u dhaca ku yimid doorashooyinka.
Fadhi saacado qaatay oo shalay ka qabsoomay xarunta maxkamadda sare ee magaaladda Hargaysa oo uu gudoominayay guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi.
Waxaanay maxkamadda sare wax kaga waydiisay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran aragtiyaha ay ka qabaan muranka ka dhashay mudo-kordhintii ay golaha Guurtidu u sameeyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo golaha Wakiiladda iyo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo qorsheeyay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinku.
Waxaana markii uu kulankaasi uu soo dhamaaday warbaahinta si wada jirr ah u la hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ku hadlayay af-ka saddexda xisbi qaran iyo guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali.
Eng. Faysal waxa uu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda fadhiga ay maxkamadda sare la yeelatay iyo waxyaabihii ay kulankaasi iskula soo qaadeen. waxaanu sheegay inay ku kalsoon yihiin go’aanka ay maxakamadda sare ka soo saari doonto arrintaasi.
.
Faysal Cali Waraabe, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahad celinaynaa maxakamada dastooriga ah, waanay noo yeedheen, waad og-tihiin oo madaxweynuhu waxa uu u soo gudbiyay inay tafsiirka bixiyaan qodobadii la isku hayay, labadii go’aan kii Guurtidda iyo kii labadda xisbi iyo xukuumadu ay wada saxeexeen.
Markaa waxay noogu yeedheen waa wadatash, waxa ILLAAHAY mahadii ah in aanu saddexdayadii xisbiba isku raacnay oo aanu ka codsanay maxkamadu inay ixtiraamto, go’aankii aanu wada saxeexnay ee 2016-ka inay doorashadu noo dhacdo, inay taa noo ixtiraamaan oo ay noo tixgaliyaan ayaanu ka codsanay”.
Waxaanu intaasi ku daray “Wax aanu anagu go’aaminayna ma aha oo wakhtigii Guurtudu go’aamisay maanan beenin ha iska yaalo kaasi, laakiin wakhtigii doorashada ayuu ahaa qodobka aanu anagu ka heshiinay, kaa inay noo tixgeliyaan oo ixtiraamaan, oo bulshadda Somaliland ay ixtiraamaan, oo ummadeena ka farxiyaan, oo cadawgeena ka nixiyaaan inuu ka soo baxo ayaanu rejaynaynaa”ayuu yidhi Eng. Faysal.
Dhinaca kale gudoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, oo isna ka hadlay waxa uu daaranaa kulankii ay la yeesheen hogaamiyeyaasha axsaabta qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay maxakamadu qaraar ka soo saari doonto arrinta muarnku ka dhashay.
Aadan Xaaji Cali, waxa uu tilmaamay in kulankaasi ay la yeesheen axsaabta uu ahaa mid ay kaga wada tashanayeen sidii la iskula waafiqi lahaa arrimaha taagan iyo halka uu dhinac kastaaba ka taagan yahay, isagoo xusay in ay wadatashiyadda ay la yeelanayaan xisbiyadda uu soconayo maalmaha soo socda.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sidda aad la socotaan, maxakamadu 8/8/2015 ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo ) u soo gudbiyay codsi fasiraad sharci ah maxakamada dastuuriga ah, oo ku saabsan qaraarkii dastuuriga ahaa ee golaha Guurtidu ay xiligga ugu kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, doorashadana ay ku xalileen wakhtiga la qabanayo iyo soo jeedintii saddexda xisbi qaran.
Markaa si aanu arrintaa u fasirno oo wixii aanu xal uga gaadhno, ayaanu isugu yeedhnay hay’adaha ay khusayso ee dastuuriga ah, oo aanu wadatashi la samaynaynaa. Markaa maanta (shalay) saddexdii xisbi oo wada jir ah ayaanu la kulanay, maalmaha soo socdana wadatashigaa ayaanu wadaynaa, intaas kadibna maxakamadu waxay ka soo saari doontaa qaraar”.
By: Khadar Maxamed Xaashi
Dawannews Hargeysa office