Hargeysa (Dawan): Wakaaladda Qurbe-joogga Somaliland oo kaashanaysa Dallada Jaalliyadaha Somaliland ay ku bahoobeen ee loo yaqaano (Somaliland Society in Europe), gaar ahaana wadamada UK, Sweden, Denmark, Germany, Netherlands, France, Belgium, Norway, Finland iyo dalal kale, ayaa shalay qabatay kulan lagu lafo guray shaqada Wakaaladda iyo arrimaha khuseeya doorka qurbe-joogga Somaliland ee dhinaca waxqabadka iyo horumarka dalka.
Kulankaasi oo ka dhacay hudheelka Crown ee magaaladda Hargaysa. Waxaana ka soo qaybgalay qurbe-joogga lagu soo martiqaaday shirka, kuwaas oo tiroodu dhammayd 40 xubnood. sidoo kale waxaa ka mid ahaa xubnihii kulnakaasi ka soo qayb galay qurbe-joog ka socday jaalliyadaha Somaliland ee Woqooyiga Maraykanka gaar ahaan Canada iyo USA, Australia, Wadamada Carabta, Turkey-ga iyo dalal kale.
Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Wakaaladda Qurbe-jooga waxa kale oo ka soo qayb galay Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed Kayse), wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, guddoomiyaha Wakaaladda Qurbe-joogga, Cabdi Cabdillaahi Xirsi, guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri iyo Dr. Xuseen C/laahi Bulxan oo la taliye u ah wasaaradda arrimaha dibadda.
Ujeedadda shirkan la iska kaashaday waxa ka mid ahaa waxyaabihii lagaga hadlay ka wadatashiga xeerka iyo shuruucda lagu maamulayo Wakaaladda Qurbe-joogga Somaliland, xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee jaalliyadaha iyo Wakaaladda iyo sidoo kale in laga arrinsado kobcinta doorka qurbe-joogga ee dhinacyada horumarka iyo maalgashiga dalka.
Dhammaan masuuliyiintii hadaladda ka jeediyay kulankaasi waxay ka dhawaajiyeen ahmiyadda weyn ee qurbe-jooggu ugu leeyihiin wadanka. Dhinacyadda maalgashiga iyo ganacsiga, dhismaha arrimaha bulshada, dimuqraadiyadda, ictiraaf raadinta iyo horumarka guud ee qaranka.
Waxanay dhiirrigeliyeen xoojinta isku xidhka, iskaashiga iyo midnimada jaalliyadaha Somaliland, isuduwidda iyo kor u qaadida waxtarka ay dalka u leeyihiin iyo sidoo kale horumarinta waajibaadka shaqo ee Wakaaladda Qurbe-jooggu u xilsaarantahay.
Masuuliyiinta xukuumadda ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dhammaanba jaalliyadaha Somaliland in sidii caadada u ahaan jirtay ee ay dadkoodu uga barteen in ay ka soo qaybgalaan gurmadka abaaraha iyo biyo dhaamiska dadka abaaraysan ee gobollada dalka.
Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed Kayse), wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo shirkaasi furay ayaa ku bogaadiyay qurbe-joogga kaalinta waafiga ah ee ay dalka ugu jiraan. Waxaanu tilmaamay inay mudan yihiin soo dhawayn iyo dhiirrigelin gaar ahaan wakhtiyada ay dalkooda hooyo u soo guryo noqdaan. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dacaayado ay warbaahinta qaar kaga faaloodeen xafladii soo dhawaynta Xagaaga ee 7-dii bishan lagu qabtay Hoteelka Guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in aanay mutaysan dadka qurbe-joogga ah in lagu gafo, isla markaana ay yihiin kuwo markasta hiil iyo hooba la garab taagan dalkooda.
Wasiir-ku-xigeenku wuxu dhirrigeliyay inay qurbe-jooggu gacan weyn ka siin karaan wasaaradda Arrimaha Dibadda dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, diblomaasiyadda iyo dedaalladda ictiraaf raadinta ee ay immikaba kaalinta weyn ku leeyihiin. Axmed Kayse, wuxuu ka codsaday aqoonyahanka qurbe-joogga ah ee shirka ka soo qaybgalay inay ka caawiyaan Wakaaladda dib u eegista, kaabista iyo waxka bedelka loo baahanyahay ee qabyo qoraalka Xeerka Wakaaladda. Waxaanu sidoo kale ugu baaqay jaalliyadaha Somaliland inay qayb libaax ka soo qaataan gurmadka abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood.
Sidoo kale wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Djibriil, oo isna kulankaasi ahdla ka jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday kaalinta waxtarka leh ee qurbe-joogu Somalialnd kaga jiraan dhismaha iyo horumarinta qaranka. Isagoo tusaale u soo qaatay hudheellada casriga ah ee ay ka dhiseen caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Dhinaca kale xubnihii qurbe-joogga ahaa ee madasha ka hadlay ayaa si isku mid ah farta ugu fiiqay sida loogu baahanyahay in dawladdu xoojiso siyaasadda ay ka leedahay arrimaha qurbajoogga, lana dhamaystiro shuruucda ku aadan isuduwidda iyo maamulka arrimaah qurbajoogga. Waxaanay soo dhaweeyeen tallaabada ay Wakaaladdu qaadday ee ay ka talo gelisay in dejinta shuruudeeda, isla markaana waxay taageereen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed, watashi iyo iskaashiga jaalliyadaha iyo xukuumadda oo Wakaaladdu hoggaamiso.
Xubno ka mid ahaa ka soo qaybgalayaasha shirka ayaa usoo jeediyay in loo fududeeyo qurbajoogga hannaanka maalgashi iyo habka ay u marayaan hindisayaashooda maalgashi markay dalka yimaadaan, halka ay xubno kalena usoo jeediyeen Wakaaladda iyo guud ahaan xukuumadda Somaliland in loo dhiso qurbajoogga xarun weyn oo leh hoolal lagu shiro iyo xafiisyo u gaar ah Wakaaladda si loogu fududeeyo qurbajoogga inay qabsadaan shirarka loo baahanyahay.
Wakaaladda Qurbe-jooggu waxay ku soo bandhigtay kulankaasi qabyo qoraalka Xeerka Aasaaska Wakaaladda Qurbe-joogga oo ka soo qaybgalayaasha qurbe-joogga oo tiradoodu ku dhawayd 40 xubnood iyo aqoonyahan kale oo lagu soo martiqaaday ka doodeen qodobada xeerka iyo nuxurka ay xambaarsanaayeen, isla markaana ku kordhiyeen afkaartooda ku aadan waxka bedelka iyo kaabista qodobada xeerka ay Wakaaladda usoo jeediyeen.
Wakaaladda Qurbe-jooggu waxay ka codsatay ka soo qaybgalayaasha shirka ee qurbajoogga inay kala shaqeeyaan tayaynta iyo horumarinta hawlqabadka shaqo ee Wakaaladda, samaynta siyaasad qaran oo Wakaaladdu ku shaqayso (National Diaspora Policy), aas’aaska hannaan dhaqaale horumarineed oo dhaxalgal noqda, hirgelinta qorshayaasha dejisan iyo gaadhista himilooyinka waxqabad iyo horumarineed ee qaranka gaar ahaan dhanka doorka qurbajoogga laga filayo guud ahaan.
Sidoo kale Wakaaladda Qurbejooggu waxay ka codsatay jaalliyadaha, gudiyada iyo ururada qurbajoogga ah ee waxqabadka joogtada ah ka gaysta dalka inay la soo socodsiiyaan Wakaaladda hawlaha waxqabadkooda iyo wixii deeqo ah heerkasta si loogu xisaabtamo kaalinta uu qurbajooggu ku leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka JSL (NDP) oo Wakaaladdu uga warbixiso Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL taasoo dhinaca kalena waxka taraysa in Wakaaladdu qiimayso hadba heerka uu doorka qurbajooggu le’egyahay.
Gebogebadii shirkaasi wuxuu guddoomiyaha Wakaaladdu ku dhawaaqay afar qodob oo lagu soo ururiyay war murtiyeedka ka soo baxay shirkan.
Waxaanay u dhignaayeen sidan:
- Waxa la soo jeediyay in la meelmariyo Xeerka Aas’aaska Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ee shirkan lagu falanqeeyay.
- Waxa la isku afgartay in la xoojiyo heerka wada shaqayneed iyo iskaashi ee Wakaaladda Qurbajoogga iyo Gudiyada Jaalliyadaha Somaliland ee ka dhisan wadamada kala duwan ee caalamka.
- Waxa la isku raacay in Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland ka hawlgasho in loo fududeeyo dadka qurbajoogga ah hannaanka maalgashi ee dalka, kana shaqayso in la dhamaystiro wixii shuruuc iyo siyaasad ah ee la xidhiidha iyo
- Waxa baaq loo soo jeediyay dhammaan qurbajoogga iyo jaalliyadaha Somaliland ee daafaha caalamka inay si dareen wadaninimo iyo naxariis leh uga soo qaybgalaan gurmadka loo baahanyahay ee abaaraha ka jira gobollada dalka wakhtigan xaadirka ah.
Waxa xusid mudan in Wasiirka Arimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ee ay Wakaaladda Qurbajooggu hoos tagto Wasaaraddiisa siyaasad ahaan uu mawqif adag ka taaganyahay in kor loo qaado oo la horumariyo hawlqabadka shaqo ee Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland iyo guud ahaan xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya qurbajoogga Somaliland iyo dalkooda ee dhinacyada horumarka, maalgashiga iyo ictiraaf raadintaba.
By: Xasan Axmed Yuusuf
Dawannews Hargeysa office