Gabiley (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa shalay kormeer ku tegay Mashruuca Beerista Banka Wajaale ee gobolka Gabiley, kormeerkaasi oo u jeedadiisu ahayd mid uu ku soo indho-indhaynayay mashruuca beerista.
Wasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehelinayay Isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Gabiley. Waxaanu wasiirku qiimayn ku soo sameeyay wax soo saarka Banka Wajaale oo sanadkan wax soo saarkiisu hoos u dhacay sababo la xidhiidha roob yaraan ka jirtay degaankaasi.
Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sanadkan roobkii la filayey aanay ka di’in degaankaasi, balse ay ILLAAHAY ka rejaynayaan in roobka Karantu noqdo mid wax soo saar suurto geliya.
Dr. Aw Daahir oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Roobkii Gu’ga ee sanadkan aynu sugaynay waxa uu noqday mid aan si fiican u di’in, wakhtigan waxa inoo bilaabmay roobka xilliga Xagaaga da’a ee loo yaqaano Karanta, oo haddii uu sidan ku sii socdo noqon kara mid manaafacaad inoo yeesha, oo aynu abaaraha iyo wax soo saarka hoos u dhacay aynu kaga baxno. Roobabkan Karanta oo helay degaamadda Wajaale, Gabiley iyo Dilla”.
Wuxuu sheegay wasiirka in haddii rooba Karanta oo maalmahan curtay uu sidaas ku sii waddo in beeralaydu ay si fiican uga faa’iidaysan karaan. “Roobkan Karantu haddii uu sidan ku sii socdo waxa suurto gal noqon karta in aynu wax kala soo baxno, oo haddii ay biyo fiicani inooga da’aan aynu ka faa’iidaysan doono”ayuu yidhi wasiirka beeraha”ayuu yidhi wasiirka beeraha.
Dawannews Hargeysa office