Wasiirka Madaxtooyadda Oo La Kulmay Guddida Joogtadda ee Golaha Wakiilladda

0
328

Hargeysa (Dawan)- Gudidda joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay Wasiirka wasaaradda madaxtoyada Xirsi Cali Xaajii Xasan, kulankaasi oo lagaga wada xaajoonayay gacan ka hadal dhex maray xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan iyo taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Wasiirka madaxtooyada oo kulankaasi ka dib  warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in gudida joogtada ah uu u soo bandhigay in aanay jirin jidh dil loo gaystay xildhibaan Xasan Cawaalle, hase yeeshee uu gacan  ka hadal dhex maray xildhibaanka iyo taliyaha ciidanka ilaalada  madaxtooyada.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ii yeedhay guddida joogtada ee Golaha Wakiilada, waxaanay iga waraysanayeen dhacdadii ay isku maandhaafeen xildhibaan Xasan Cawaalle iyo taliyaha madaxtooyada,  waxaana uga waramay sidii wax u dhaceen, waxaana aan sheegayaa in dhacdada la buunbuuniyay, oo aanay jirin Xildhibaan la garaacay oo dhulka lala  dhacay, laakiin xildhibaanka iyo taliyuhu marka ay is maandhaafeen waa la riixay waxyeelo kasta ha lahaatee annagoon soo dhawaynayn oo amaanayn in ciidamadu riixaan ama gacan u gaystaan madaxda qaranka ee xasaanada leh.”
Wasiirku waxa kale oo uu intaa raaciyay “Waxaanu haynaa oo u soo bandhigaynaa ciddii u baahata dhacdada  oo  duuban, waxaana aanu leenahay xildhibaanada askarta ha is dhexgalina oo kala soocnaada. Askartana waxa  aanu leenahay xildhibaanada qaranku waa dawladnimadii iyo haybadii waa in la ilaaliyo, waa baarlamaankii la soo doortay ee dadku soo doortay, sharaf iyo karaamo ayay leeyihiin.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply