Arday Quraanka Kariimka Baratay Oo La Gudoonsiiyay Abaal Marino

0
384

Hargeysa (Dawan) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo aw-qaafta, guddida wanaag farista, waalidiin iyo masuuliyiin kale ayaa waxay ka qayb galeen munaasibad balaadhan oo loo qabtay arday ka aflaxday madarasadda xiftiga quraanka ee Waadi Quraan oo ku taal xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa.
Xafladaa loo qabtay aradaydaas quraanka kariinka ah iyo culuumtiisa baratay ayaa waxa munaasibadaa hadal ka soo jeediyay maamulaha guud ee madarasada Waadi Quraan Sh. Cali Ciise Warsame, waxaanuu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay madarasadaasi soo martay, isagoo arrintaa ka hadlaaya  waxa uu yidhi “Madarasada Waadi Quraan waxa la asaasay sannadkii 2009-kii, waxaanay jirtaa hadda muddo lix sano ah. mudadaa ay madarasadu jirtay waxyaabo badan baa ilaahay mahadii noo hirgalay, waxaana ka mid ah in aanu soo saarnay arday badan oo baratay quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa, kuwaas oo ku soo baxay imtixaano.Waxa kale oo noo qabsoomay in aanu balaadhino baaxada dugsiga anagoo tayaynay tacliinta aanu siino ardayda.”
Maamulaha madarasadaasi Sh. Cali Ciise waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan in ay ku talaabsadaan sannadka soo socda, waxaanuu yidhi “Waxaanu rabnaa hadii alle yidhaa in aanu bulshada xaafada ku dhaqan u qabano muxaadirooyin diini ah oo bulshada lagu baraarujinaayo khayrka iyo wanaaga.”
.”Sannadkan waxaanu qaadanaynaa fasalo cusub, kuwaas isgu jira qaybaha kala duwan ee culuumta diinta.” Ayuu yidhi maamuluhu mar uu ka hadlaayay fasalada cusub ee sannad dugsiyeekan cusub qaadanayaan.
Maamulaha madarasada Waadi Quraan sidoo kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay higsanayaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kale aanu doonaynaa in aanu dhawaan balaadhino dugsiga, korna u sii qaadno tayada culuumtada diiniga ah ee ardayda loo dhigo, si aanu ula tartan dugsiyada nala midka ah ee caasimada ku yaala.”
Sh. Axmed Maxamed Suldaan oo ka socday wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa hadal uu u jeediyay ardaydii iyo waalidiintii munaasibadaa ka soo qayb galay waxa uu ku dheeraaday qiimaha uu leeyahay barashada quraanka kariimka ah iyo ku dhaqankiisa, Mursal isagoo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waxaan bogaadinayaa ardayda baratay quraanka kariimka ah wiilal iyo gabdhoba ee xalfaladan balaadhan loo qabtay, hadaynu nahay ummada islaamka ah, nimcooyinka ugu waaway ee rabbi adoomihiisa ugu deeqay waxa ka mida quraanka kariinka, waana waxa lagu afarxo in aynu joogno munaasibada jaa’isadaha lagu gudoonsiinaayo ardayda quraanka ka baratay madarasada Waadi Quraan, waa arrin aad u wayn oo muujinaysa sida loo xoojinaayo barashada kitaabkeena quraanka ah.” Sh. Axmed Maxamed waxa uu ardayda iyo guud ahaan bulshadaba ku bararaarujiyay qiimaha uu leeyahay qoraanka kariimka ahi, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan rabaa in aan ummada ku baraarujiyo in quraanka kariimka ahi waaya, bishaaro iyo naxariis, quraanka kariimka ahi waa hanuun iyo naxariis, quraanka kariimka ahi waa dadnimo iyo iimaan, Waxa loo baahan yahay in la xoojiyo barashadiisa.”
Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Sh. Mursal Maxamed Xasan oo ka tirsan guddida wanaag farista iyo xumaan reebida, waxaana uu ka hadlay qiimaha ay leedahay akhrlaaqda iyo sida ugu fiican ee ardayda iyo bulshada loogu barbarin lahaa, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Marka hore waxaan bogaadinayaa ardayda quraanka kariimka ah baratay ee ka aflaxday madarasada Waadi Quraan, walaalayaal waxa loo baahan yahay in caruurta iyo bulshadaba la baro dhaqankii suubanaa ee nebbi Maxamed (NNKH). Alle waxaan ka baryaynaa in ummada islaamka ah xaqa ku sugo, quraanka kariimka ahna fahansiiyo.”
Sh. Axmed Xuseen Ibraahin oo isna munaasibadaas hadal duco ah ka jeediyay waxa uu yidhi “Waxaan ardayda ugu ducaynayaa in uu alle ku anfaco aqoontan diiniga ah ee ay barteen. Waxa kale oo ilaahay ka baryaynaa in uu raxmaadkiisa inoo shubo, inagana dul qaado abaarahan dalkeena meelo badan oo ka mida ka jira.”
gabagabadii waxa munaasibadaa shahaadooyinkii iyo abaal marinino lagu gudoon siiyay ardaydii kaalmaha ka galay imtixaanaadkii sannad dugsiyeenka madarasada Waadi Quraan iyo waalidiintii xidhhidhka fiican lahayd madarasada, iyadoo ardayduna ay shahaadooyin ku maamuuseen macalimiintii wax soo bartay.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply