Wasiirka Degaanka Oo Kulan Lagaga Arrinsanayo Xidhitaanka Seereyaasha La Yeelatay Bulshadda Degmadda Mandheera

0
267

Mandheera (Dawan):  Wasiirka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil  Baandare, ayaa shalay  soo kormeertay  meello ka tirsan gobolka Saaxil  oo laga waddo    barmaamij lagu xidhayo   dhulka    Seereyaasha dawladda oo la doonayo in   xooluhu ay  intifaacsadaan.
 
Wasiirka  oo ay wehelinayeen   masuuliyiin kale oo   shalay  soo  kormeeray mashaariic wasaaradda degaanku    waddo oo ku saabsan xidhista  Seereyaasha  xoolaha nool iyo weliba ilaalinta deegaanka si looga hortago nabaad-guurka. Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiintaasi   kulan la yeesheen bulshadda degmadda Mandheera ee  gobolka Saaxil, kulankaasi oo  ay kaga wadahadleen hirgelinta arrintaasi.
 
 
 
Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Lafo-ruug  oo ka tirsan gobolka Saaxil,  waxaa  ka  qaybgalay cuqaasha, odayaasha iyo waxgaradka degaankaasi   iyo sidoo kale dadka reer  Guuraaga ah   oo ay ka wadahadleen ka midho-dhalinta hawlaha horumarinta degaanka iyo xoolaha ee wasaaraddu wado.
 
 
 
Guddoomiyaha degmadda Mandheera  ee gobolka Saaxil Buraale Cali Xuseen oo hadal ka jeediyey kulankaasi, ayaa sheegay inay bulshada deegaanka isla garteen ka wadashaqaynta horumarinta xoolaha.
 
 
 
Waxaannu  yidhi “Wasiiir, waxaannu bulshada degaanka isla qaadanay in  wax u dan ah,  oo anfaca dadweynaha reer  Guuraaga ah la sameeyo, oo annaguna aanu  ka maamul degmo ahaan u arkayno in xoolaha iyo dhulkuba ku bad-baadayaan.  Waxaanna  mashruucan degmadda laga samaynayaa uu yahay  Seereyaal  daaqqa  xooluhu cunayaan ah,  oo saddexdii  bilood-ba  dhan loo xidhayo.”
 
 
 
Wasiirka wasaaradda degaanka  oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa   uga xog-warrantay odayaasha ay la kulantay hawlaha mashraaciida wasaaraddeedu ka wado degaanka oo qayb ka ah barmaamij lagu xidhayo dhulka seerayaasha dawladda ah si daaqa ka baxa xooluhu u cunaan xilliyada abaartu jirto, kaas oo laga taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
 
 
 
Waxa kaloo ay ka codsatay cuqaasha iyo odayaashaasi inay soo dhaweeyaan tallaabo kastoo lagu horumarinayo deegaanka iyo xoolaha Somaliland. Ugu dambayntii, wasiirku waxay halkaasi kaga jawaabtay su’aalo ay ku waydiiyeen odayaasha iyo waxgaradka ay la kulantay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply