Maxkamad racfaan oo federaalka Mareykanka ah oo ku taalla gobolka Virginia, ayaa khamiistii xukuntay in shan budhcad badeed Soomaali ah ay noloshooda xabsiga ku dhameysan doonaan, sababo la xidhiidha weerar aan guuleysan oo sanaddii 2010-kii ay ku qaadeen Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ay ku qaldameen.
Guddi xaakimiin ah oo ka kooban saddex qof, kuwaas oo ka mid ah maxkamadda afaraad ee racfaanka, ayaa si isku mid ah isugu raacay in xaakim hore uu qalad sameeyey markii uu eedeysanayaashan Soomaalida ah ku xukumay xabsi u dhaxeeya 30 illaa 42 sano iyo badh.
Maxkamadda ayaa markaas kadib kiiska dib ugu soo celisay xaakim degmeedka Mareykanka ee magaalada Norfolk, Raymond Jackson, kuna amartay inuu xabsi daa’in ku xukumo shanta qof, maadaama uu sharciga federaalka Mareykanka dhigay in qofkii lagu helo budhcad badeednimo uu muteysto xabsi daa’in.
Eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaadan kara kiiskan, ayaga oo la tagi kara maxkamadda sare ee racfaanka ama maxkamadda sare ee dalka Mareykanka. Qareen u doodaya oo lagu magacaabo Geremy Kamens, ayaa sheegay inuu ka fakarayo arrintan, balse uusan weli wax war ah ka bixin karin.