Maxaad Ka Taqaanaa 10 Madaxtooyo Oo Caalamka Ugu Quruxda Badan?

0
482

6: Grand Kremlin Palace, Moscow (Russia):Qasrigan waa ka laga maamulo ama laga xukumo wadanka Ruushka,waxaana hore looga maamuli jiray dawlado aad u tiro badan oo laysku odhan jiray Midawga Sofiyatii,waxaana la dhisay sannadkii 1837 ilaa 1849,waxaanu ku yaalaa magaalada Moscow.
Gurigan waxa nashqadiisa ikhtiraacay koox khubaro ahayd oo hoos imanaysay ninkii la odhan jiray Konstantin Thon.
Waana guriga ugu weyn dalkaasi,iyada oo hore mamnuuc u ahayd in guri ka weynaado ama ka qurux badnaado,taas oo ilaa maantana sidii ah.
7: Oguzkhan Presidential Palace, Ashgabat (Turkmenistan):wadankani waa wadan dhaca qaarada Aasiya,waana mid kamid ahaan jiray wadamadii laysku odhan jiray Midawga Soofiyatii,waxaanu noqday gurigani ka toddobaad ee madaxtooyooyinka caalamka ugu qurux badan.
Gurigan waxa uu ku yaalaa caasimada wadankaasi oo lagu magcaabo Ashgabat ,lamana xusin xiliga la dhisay ,iyada oo laga xukumaayey dalkaasi sannado badan.
Gurigan ayuu madaxweynaha dalkaasi Saparmurat Niyazov dib u cusboonaysiin ku sameeyey intii uu xilka qabsaday,isaga oo halkaasi ku dhintay sannadkii 2006,waxaanu gurigan ku noolaa laga soo bilaabo sannadkii 1997 ilaa 2006.
Waxa isna halkii kasii qaaday oo cusboonaysiiyey madaxweynihii ku xigay ,isaga oo dib u dhis qurux badan ku sameeyey sannadkii 2011-kii,waxaana dhismihiisa dhistay shirkad laga lee yahay wadanka France,iyada oo la sheegay inay ku baxday lacag dhan $250 million.
8: Unity Palace, Yaounde (Cameroon):Gurigani waa ka looga taliyo wadanka Cameroon oo kamida wadamada qaaradda Afrika ku yaala,waxaanu ku yaalaa gobolka lagu magcaabo Etoudi ee Yaounde,waxaana lagu magcaabaa Unity Palace oo micne ahaan noqonaaya gurigii midnimada,waxaanay madaxweyne yaasha wadankaasi isticmaalayeen gurigan laga soo bilaabo 6 November ee sannadkii 1982 ilaa manta.
Gurigan ayaa ah mid aad u qurux badan,waxaanu aad usoo jiitaa indhaha caalamka madaxdooda markay booqdaan dalkaasi.
9: Taipei (Taiwan):guriga sagaalaad ayaa noqday ka wadanka aan sida Somaliland la aqoonsan ee Taiwan,waana guri aad u kooban una qurux badan,waxaanu kaalinta sagaalaad ka galay madaxtooyooyinka caalamka,dhismaha madaxtooyadan ayaa u dhisan sida laba isku weer oo kale.
Dhismahan waxa dhistay dawlada dalkaasi Chine ,iyada oo uu iman jiray intii aanay labada dal kala go’in madaxweynaha dalkaasi Chine.
Dhismahan waxa qaabeeyey nin la odhan jiray Uheiji Nagano ,xiligii ay dawlada Japan xukumaysay wadanka Taiwan sannadihii 1895 ilaa 1945 kii,waxaanu noqday markii ay labada dal kala go’een madaxtooyada wadanka Taiwan.
10:  The Flagstaff House, Accra (Ghana):guriga tobnaad waa guriga looga taliyo wadanka Ghana oo kamida wadamada Qaarada Afrika ku yaala,waana guri aad u qurux badan,dhismahan ayaa hore u ahaa mid qadiimi ah,waxaana dib u nashqadeeyey bishii November ee sannadkii 2008 madaxweynihii xiligaas John Agyekum Kufour,waxaana ku baxday lacag dhan $45 ilaa 50 million ,waxaana dhistay shirkad laga lee yahay wadanka Hindiya.
Dhismaha waxa laga dhinac dhisay halkii uu deganaan jiray badhasaabkii Ingiriiska u qaabilsanaa British Gold Coast oo Ghana ah.
 
Dhamaad
 

Leave a Reply