Khubaro Maraykana Oo Sheegay Inay Heleen Noole Meere Kale Ka Yimid

0
291

Khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa dhowaanahan ku hawlanaa baadhitaan ay ku samaynayeen xayawaan sida caaro badeeda u samaysan oo ay sheegeen inay ka heleen meelo kamida wadanka Maraykanka,gaar ahaana meelaha aanay xayawaanka badani ku noolayn.
Khubaradan ayaa natiijadii ay soo saareen ku sheegay in ay ogaadeen in xayawaankan u samaysan sida caaro badeedu uu kazoo dhacay cirka kana yimid mid kamida meerayaasha cirka ee aan weli cidi gaadhin.
Khubaradan ayaa sheegay inay muddo wadeen baadhitaan dhinaca DNA-da xayawaankaasi ah,taas oo ay ku baadhayeen nolol ahaan halkay ka timid,taas oo ay ugu dambayn ogaadeen inay ka timid meere kale oo aan ahayn dhulka.
Xayawaankan ayay sheegeen inuu ka Protein badan yahay xayawaanka ay isu eg yihiin ee caaro badeeda,waxaanay khubaradu sheegeen in laga heli karo xayawaankan Proteins dhan 33,000 oo protein,taas oo ka badan ta laga helo bani’aadmiga.
Khabiir cilmi baadhe ah oo wadanka Maraykanka u dhashay laguna magcaabo Dr Clifton Rajssadol kana socday jaamacadda University of Chicago ayaa sheegay inuu caaradan ku arkay waxyaalo ay aad ugaga duwan tahay xayawaanada kale ee caalamka ku nool,gaar ahaana kuwa laysku yidhaahdo Mollusks,waxaanay lee dahay ayuu yidhi sided lugood oo ay awoodo inay wax ku qabsato,waxa kale oo ay lee dahay dareemeyaal ka dareen badan caarada caadiga ah,sidoo kale maskaxdeeda ayuu sheegay inay tahay mid ay dhib walba ku xalin karto.
Xayawaankan ayay sheegeen khubaradani inuu waxyaalo badan kaga duwan yahay xayawaanada kale,gaar ahaana dhanka socodka oo uu intuu doono socon karo,sidoo kalena uu lee yahay waxyaalo badan oo aanay xayawaanada dhulka ku nooli aanay lahayn.
Midabka jidhkeeda ayaa ah mid ay siday doonto u bedeli karto xayawaankani,waxa kale oo ay sheegeen inay lee dahay saddex wadne,iyaga oo khubaradani ku sheegay in ay Caaradani ay ka kooban tahay DNA ahaan 2.7 billion qaybood oo Chemicals ah.
 

Leave a Reply