Maxkamadda Dastuuriga Ah oo Dhegaysanaysa Doodaha Guurtida iyo Komishanka

0
281

Hargeysa (Dawan)- Maxkamadda Distooriga, ahna Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa doodahooda dhegaysanaysa masuuliyiinta Golaha Guurtida iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Sabtida maanta ah, taas oo gunnaanad u noqonaysa wada tashiyada khilaafka ka dhashay waqtiga qabashada doorashooyinka ee ka dib muddo-kordhintii Guurtidu samaysay.
Maxkamadda Sare, ayaa bilowday kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayso dhinacyada doorashooyinku khuseeyaan, iyadoo fulinaysa dalab Madaxweynaha Somaliland kaga codsaday inay fasiraad ka bixiso waqtiga qabashada doorashada ee khilaafkeedu ka dhashay go’aankii Guurtidu muddo-kordhinta ugu samaysay xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo dhigaya in doorashada la qabto dhammaadka bisha March 2017 iyo heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda oo jidaynaya in doorashooyinku dhacaan bisha December 2016.
Waxaanay maxkamaddu hore kulamo ula yeelatay saddexda xisbi Qaran iyo ururrada bulshada rayidka ah oo ay ka dhagaysatay aragtidooda la xidhiidha murankan iyo sida xal loogu heli karo.
Haddaba, Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha kale ee Maxkamadda Sare, ayaa lagu wadaa inay kulamadii u dambeeyey la yeeshaan maanta Guurtida iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo ah labada hay’adood ee ugu waawayn ee ay khuseeyaan hawlaha doorashooyinka dib uga dhacay waqtigoodii hore ee badhtamihii sannadkan 2015.
Kulamadan xog-warranka ah ee Maxkamadda Dastuuriga la yeelanayso dhinacyada doorashadu khusayso kadib, ayaa la filayaa inay natiijo buuxda oo ku saabsan fasiraad ay ku samaynayso murankan la isku hayo ee waqtiga doorashadda iyo cidda cayimi karta ay ka soo saarto toddobaadkan gudihiisa.
By: Axmed M. Saleebaan           
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply