Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga Oo La Kulmay Danjire Ka Socday Dawladda Jarmalka

0
286

Hargeysa (Dawan)- Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Somaliland, Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed-kayse) oo ay weheliyaan saraakiil ka mid ah agaasimayaasha waaxaha, qaarka mid ah diblomaasiyiinta Somaliland ee wadamada dibadda iyo masuuliyiin kale ayaa kulan casho sharaf  soo dhawayn ah ku qaabilay Danjiraha dalka Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland oo fadhigiisu yahay Nairobi, halkaasi oo lagu casuumay Hudhueelka Ambassador  ee magaalada Hargeysa habeenimadii 12-ka August, 2015.
Danjire Christian Resch oo booqasho dhawr maalmood ah ku joogay Somaliland, isla markaana soo kormeeray habsami u socodka mashaariic kala duwan oo ka mid ah deeqaha gargaarka horumarineed ee dawladda Jarmalku ka caawiso Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Kayse ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dawladda Jarmalka mashaariicda waxtarka leh ee dawladda Jarmalku ka taageerto Somaliland dhinacyo kala duwan oo xagga biyaha, caafimaadka iyo dhinacyo kaleba leh, waxanu dhirrigeliyay in caawimada Jarmalku u fidiyo Somaliland lagu fidin doono dhinacyada kale ee iyaguna mudnaanta u leh u leh Somaliland oo horumarinta dhaqaale iyo  maalgashigu ka midyahay.
Safiirka Jarmalka ayaa isaguna dhinaciisa uga mahadceliyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaah Dibadda iyo xukuumadda Somaliland guud ahaan sida saaxiibtinimada iyo karaamada leh ee loogu soo dhaweeyay dalka, waxanu rajeeyay inaanay noqon safarkii ugu dambeeyay ee uu ku yimaado dalka.
By: Xasan Axmed Yuusuf
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply