Shiinaha:Kumanaan u Hoydey Dibadda

0
338

In ka badan saddex kun iyo badh ayaa ku hoyanaya guryo ku meel gaadh ah magaalada dekadda Tianjin ee Shiinaha kaddib labo qarax oo xooggan oo burburiyay qeybo ka mid ah dhisme warshadeed.
Koox aqoon u leh kiimikada ayaa loo diray bakhaarka oo ay ku keydsanaayeen kiimiko sun ah iyo gaas iyadoo dabdamiyayaasha ay weli la dagaalamayaan inay dabka xakameeyaan.
Qaraxyadasi ayaa dilay ugu yaraan konton ruux, waxayna sidoo kale dhaawaceen boqolaal kale.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in waxa sababay qaraxyada ay tahay in la ogaado.

 
 

Leave a Reply