Xukuumadda Oo Dhakhtar Dibadeed U Qaadaysa Wiil Xabadi Kaga Dhacday Saldhi Boolis Iyo Askarigii Toogtay Oo La Qabtay

0
277

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa kafaalo qaaday dawaynta wiil  Dhalinyarro ah oo  la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi  oo ku dhaawacmay xabad askari boolis ahi riday oo ku dhacday wiilka oo ku xidhnaa saldhiga booliiska Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa.
Wasiirku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Axmed Faarax Caddare  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo dhacdada uu ku dhaawacmay  wiilka dhalinyarrada ahaa ee ku xidhnaa saldhigga Booliska ee degmada Ibraahin Koodbuur ee caasimadda Hargeysa ka hadlay,ayaa sheegay in dhacdada wiilku ku dhaawacmay ay ahayd shil dhacay isla markaana ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen oo uu xidhan yahay askarigii   riday xabadda wiilku ku  dhaawacmay sharcigana  la marin doono.
Waxaa kale oo ay Taliyaha iyo Wasiir ku-xigeenku sheegeen in Xukuumaddu ay kafaalo  qaaday dawaynta wiilka dhaacmay  isla markaana imika xaaladiisu ay wanaagsan tahay haddii uu dhakhtar dibadeed u baahdana ay dawladdu  diyaarad u gaar ah ugu qaadi doonto dhakhtar dibadeed.
Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Waxaan warbixin hordhac ah idinka siinayaa dhacdo saaka(shalay) ka  dhacday saldhigga booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur taasoo ahayd laba Maxbuus oo mid ka mid ah qolalka Maxaabiista ku xidhnaa ayaa is dilay ka dibna askartii waardiyaha ahayd mid ka mid ah ayaa xabad riday xabadiina waxay ku dhacday oo ay daaqada uga gashay wiil dhalinyaro ah oo qol kale ku xidhnaa  waxaana  la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi.”
Taliyaha Booliska oo hadalkiisa sii watay  ayaa intaa ku daray. “Nasiib wanaag ciidanka boolisku  markiiba gacanta ayay ku dhigeen askarigii falkaa geystay ee xabada wiilka dhalinyarrada ahi ku dhaawacmay riday,waxaanan ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka boolisku dhacdadaa u maareeyeen waxaanay ahayd dhacdo iyo shil dhacay,waxaanan caddaynayaa in askariga falkaa geystay si deg deg ah sharciga loo hor keeni doono oo sharciga la marin doono.waalidka wiilkaa dhalinyarrada ah dhalayna waxaan leeyahay waa shil dhacay waana qadar qadarkuna wuu dhacaa wixii dhacayna waanu ka xunahay.waxaanan talis ahaan iyo hadday wasaaradda arrimaha gudaha tahay aanu aad uga hawl galay sidii wiilkaa dhaawucu soo gaadhay loo dawayn lahaa imikana xaaladiisu aad ayay u wanaagsan tahay .”
Waxaa kale oo isna dhacdada shalay ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Ibrahim Koodbuur ka hadlay Wasiir ku-xigeenka gobollada iyo Degmooyinka waxaanu sheegay in Xukuumaddu ay dusha u ritay  dawaynta wiilka shilka ku dhaawacmay. “Shilka saaka(shalay) dhacay wixii warbixin ciidan ahayd taliyaha ayaa sheegay waxaa kaliya ee aan ku darayaa waxay tahay wiilka  dhaawacmay saaka(shalay)ayaanu ugu tagnay dhakhtarka sidii aanu moodaynay maaha oo dhaawiciisu wuu fudud yahay ALLENA waxaan uga baryaynaa in uu caafimaad siiyo oo uu dhaawaca soo gaadhay ka kiciyo dawayntiisuna way socotaa,waxaanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in aan halkan wax lagaga qaban Karin waxaanan diyaarinay baasabooradii iyo hawshiisii waxaana diyaarad  si deg deg ah loogu qaadi doonaa dalka Jabuuti.”
Wasiir ku xigeenka oo bulshada la dardaaraya ayaa intaa ku daray. “Waxaan leeyahay bulshada Somaliland dhacdooyinka caynkaasi caalamka oo dhan way ka dhacaan waxaanan leeyahay waa qadar dhacay waxaanan ciidanka booliska ku ammaanayaa in ay gacanta ku dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaa geystay. Bulsgadana waxaa looga baahan yahay in ay degenaanta iyo nabad gelyada kala shaqeeyaan hay,adaha ammaanka.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply