Gacmaha Isagoo Ku Soconaya Ayuu Taga Dugsiga

0
314

Wiilkan oo u dhashay dalka China ayaa naafo ka ah labada lugood, waxaana uu doorbiday inuu dugsiga tago isagoo ku socda labadiisa gacmood.
Wiilkan oo ay dhaleen qoys beeraly ah oo sabool ah ayaa naafo noqday markii ay da’diisu ahayd laba sano ka dib markii uu ku dhacay xanuun.
Wakhtigaasi ayuu wiilku bilaabay inuu ku sameeyo tababar sidii uu ugu socon lahaa labadiisa gacamood, waxaana la sheegay in wakhtigan oo uu yahay 10 jir aanay jirin wax dhib ah oo ay ku hayso socodka gacmuhu.
Wiilkan ayaa waxbarashada aad u jecel oo diiday inuu ka hadho isagoo ay ku qaadato maalin kasta gaadhida dugsiga muddo saacad iyo badh ah. Waxaana uu sheegay in aanu doonayn inuu marna joojiyo waxbarashadiisa.

Leave a Reply