Maxaa Midabka Madow looga dhigaa Taayirada Baabuurta?

0
483

Taayirada baabuurta ayaa ah kuwo midabkoodu madow yahay, waxase la is weydiin karaa maxaa looga dhigi waayay midabo kale?
Waxaana dhici karta in dad badani aaminsan yihiin in midabka madoobi uu yahay kan asalka sidaasina loogu doortay inuu noqdo madow.
Haddba midabka rabadhka laga sameeyo taayirada ayaa lagu daraa kimikda alsolvar iyo midabo cawl hurdi ah iyadoo midabka taayarada baabuurtii hore uu ka khafiifsan yahay kuwan casriga midabkooda, maxaa yeelay wakhtigan waxa lagu daraa kiimiko ka badan labaatan jeer tii wakhtiyadaasi lagu dari jiray.
Sida lagu daabacay wargeyska Anman wakhtigan wershaduhu waxay isku qasaan carbon tayo badan leh iyo rabadhka kaasi oo u suurta gelinaya inuu iska xejiyo kulaylka gaadhiga. Waxaana ay sheegeen in haddii midab kale laga dhigo taayirada ay kulaalanaayan inkasta oo ay haddana rabadh yihiin taasina ay tahay sababta loogu doortay midabka madawga.

Leave a Reply