Qisaska Dadkii Wanaagsanaa Iyo Cibaadadooda

0
510

Saaxabigii Abu-Hurayra (RC) ayaa markii uu sakaraadka ku jiray ooyay, dadkii ag joogay ayaa ku yidhi “ Maxaad Ab-Hurayrow la ooyi adigaaba Nebiga (scw) saaxiibkii ahaaye. Waxaana uu ku jawaabay “ Waxaan la ooyi sahayda aan sito iyo safarka  I sugaya oo aan isu dhigmin”.
Saxaabiga Caamir Binu Cabdi (RC) ayaa isna ooyay wakhtigii sakaraadka , markaasi lagu yidhi maxaad la ilmaynaysaa? Waxaana uu yidhi “ Uma ooyayo geeri aan ka baqayo, umana ooyayo aduunyada aan ka tegayo, waxase aan ka ooyaya laba camal oo aan samayn jiray oo iga go’aya kuwaasi oo ahaa:  Salaatu Laylkii aan tukan jiray wakhtiga dhaxantu dhacayso, iyo soonkii sunaha ahaa ee aan soomi jiray wakhtiyada.
Saxaabigii lagu magacaabi jiray Rabiic Binu (Rc) ayaa habeenkii salaadda u kici jiray oo ooyi jiray. Gabadhiisa ayaa ku tidhi “ Waar naftaadu xaq ayay ku leedahaye ha cadibin” Waxaana uu ugu jawaabay “ Nin korkiisa janadii ay tahay, hoostiisna lagu diyaarinayo cadaabkii side ayuu dhexdooda ugu gam’ayaa.

Leave a Reply