Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Turkiga Oo Shahaado Gudoonsiisay Wasiirka Maaliyadda

0
293

Hargeysa (Dawan):-  Ardayda reer Somaliland ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga, ayaa shalay shahaado sharaf ay ku maamuusayaan guddoonsiiyay wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
 
Ardaydan oo isugu jira kuwo ay u soo dhamaatay waxbarashada heerka jaamacadeed iyo qaybo ay wax yari u hadhsan yihiin, waxaanay  wasiirka maaliyadda  ku amaaneen doorkii wanaagsanaa   ee ay ku lahayd fursadahan waxbarasho ee bilaashka ee ay ka heleen dawlada Turkiga.  Xiligii  ay  wasiirka ka ahayd wasaarada Waxbarashada  iyo sidoo kale dedaalkii arrin iyo aduunba lahaa ee ay isla garab joogtay.
 
Sidoo kale Ardaydani waxay ku amaaneen wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan sidii ay marwalba uga warhaysay  intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga, gaar ahaan wakhtiyadii ay ku cusbaayeen dalkaasi Turkiga oo ah taariikh aanay marnaba alaawi doonin.
 
 
Cabdicasiis Sheekh Maxamed Cabdillaahi, oo ah guddoomiyaha ururka ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga
 
oo isagu ka hadlay xafladaasi wasiirka lagu guddoonsiiyay shahaadada oo ka qabsoontay xarunta wasaarada maaliyada ayaa si gaar ah ugu amaanay wasiirka sida ay marwalba xidhiidhka ula lahayd ardayda khaasatan xiliyada lagu jiro xusaska18 May.
 
Waxaanu  sheegay in ardaydaas oo dhawr iyo afartan ahayd ay dhamaantood xejisteen waxbarashadaa bilaashka ah, dedaalkaa qarankoodu geliyayna aanay ilaawaynin, wasiir Samsam iyo cid kasta oo wax kala qabatay arrintaasina ay abaal ugu hayaan, iyaguna ay noqon doonaan kuwo abaalkaasi  gudda.
 
Wasiirka maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadna  halkaasi ka hadashay ayaa ardayda uga mahad celisay shahaado sharaftan ay gudoonsiiyeen.  Waxaanay  sheegtay in ay ku faraxsan tahay in midhihii ay beertay wakhtiigii ay wasiirka waxbarashada ahayd inay maanta aragto.
 
 
“Dalkeenu baahi weyn  ayuu u qabaa guud ahaan waxbarashada qaybaheeda kala duwan, waxaan is leeyahay guushaa ardayda waxa u sabab ahayd.
Ardaydda  waxaa lagu xulay sidii ay u kala sarreeyeen imtixaanka shahaadiga ah, may ahayn qabiil, may ahan qof jeclaysi iyo wax kale toona, ee waxay ahayd sidii ay u kala sarreeyeen ardaydu, waxaana tagay intii ILLAAHAY u calfay.
 
Sababta  aad ula qabsateen dalka Turkiga iyo ardayda kale ee ajaanibka ah waa aqoontaa la idinku soo xulay, waxaanan idiin rejaynayaa in aqoontiina aad dadka uga faa’iidaysaan.”
By:  Idiris M. Xsasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply