Balanbaalista: Cuntada Ugu Muhiimsani Waa Ilmada Yaxaaska

0
333

Cilmi baadhis usoo bandhigay Tv-ga National Geography arrin aad cajiib u noqday oo uu ku sheegay in ilmada yaxaaska ay raashin u tahay  balanbaalista.
Cilmi baadhistan ayuu ku cadeeyay in lagu ogaaday in balanbaalistu ay ka hesho ilmadaasi nafaqooyin kala duwan oo cusbo ah sida Sodium iyo macdano kale kuwaasi oo uu sheegay in la ogaaday inay iyaduna u adeegsato sidii ay ukun u dhali lahayd.
Cilmi baadhista ayaa intaasi ku dartay in  Diinka laftiisa ay balanbaalistu ka hesho dheecaanada indhihiisa ka soo baxa macdan ay uga faa’iidaysato tarankeeda. Sidaasi ayay dunidu isugu wada xidhan tahay oo xayawaanadu u kala faa’iidaystaan iyagoo aadamiguna ka faa’iidaysto dhamaantood.

Leave a Reply