Doorka Cunitaanka Kalluunku Uu Ku Leeyahay Koritaanka Maskaxda

0
548

Cuntada uu qofku qaato ayaa si toos ah saamayn ugu leh hawlqabadka maskaxda. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxadaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyyo hawlqabadkeeda.
Cunto dheelitiran ayaa ah tan lagula taliyo dadka, waxase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu leh  shaqada maskaxada kuwaasi  oo loo yaqaano cuntada maskaxada.  Kuwni waa ku ugu fiican dhinaca maskaxada waxaana ka mid ah:
Shaki kuma jiro inuu kaluunku yahay mid aad faa’iido badan u leh, maxaa yeelay wax ku badan acid Omega iyo saliida kaluunka oo ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee dhinac maskaxda. Kaluunka laftiisa ayaa usii kala wanagaasan dhinac maskaxada waxa ugu fiican noocyada : Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos.
Kaluunka wuxuu ku jiraa cunnooyinka faaidadooda aan la soo koobi karin khaas ahaan saliidda kalluunka waa saliid qiimo caafimaad leh oo waxtarkeeda aan la soo koobi karin.
kaluunka waxaa ka buuxo macdan jirka muhiim u ah sida kalshiyam, bir, zink iyo phosphorus.
saliidiisa waxaa ku jiro dufanta loo yaqaanno Omega-3 taasoo baadhitaanno dhowr ah oo lagu sameeyay la isku waafaqay in caafimaadka u roon tahay oo lagu daaweeyo cudurro dhowr ah oo ay ka mid yihiin: niyad jabka, in kolestaroolka hoos u dhigto, in caabuqa jidhka ay yarayso, in xanuunka kalgoysyada ay yarayso, in oogada bilicda iyo quruxda u kordhiso, in miisaanka ay lumiso, in ay ka hortagto cudurrada maskaxda sida iskitsofreniya, in shaqada maskaxda ee caruurta yaryar ay wanaajiso, in ay kordhiso qofka diiro saaristiisa (focusing), in haweenka dhalo ay ka yarayso diiqada dhalmada kadib, in kordhiso aragga, in yarayso halista cudurrada wadnaha, in ay yarayso korriinka burada naasaha, in lagu daaweeyo xanuunka xiidmaha ee crohn iyo boogoobidda xiidmaha, in ay yarayso calaamadaha xanuunka laleemada, waxay bogsiisaa boogaha jirka, waxay dajisaa maanka iyo faaidooyin intaa ka badan ayaa jira.

Leave a Reply