Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiillada Oo Sheegay Xildhibaanada Reer Sool Aanay Diidanayn Doorashadda

0
293

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad  ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in mudaneyaasha laga soo doortay gobolka Sool aanay diidanayn inay ka qayb-galaan doorashadda Baarlamaanka dalka ka dhacaysa, waxaanu tilmaamay inay soo dhaweynaynayaan go’aankii shalay Maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkii muddo kordhinta Golaha Guurtida.
Baashe Maxamed Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka waxa kale oo uu soo jeediyay in qodobbada  Dastuurka Somaliland ah la furo si muranka saami qaybsiga ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada xal loogu helo.
“Mar haddii Maxkamaddii dastooriga ahayd go’aan soo saartay, waa in aynu ku wada dhaqanaa oo u hoggaansanaa, sidaasaynu dawlad ku noqonaynaa iskuna maqlaynaa, markaa aad baanu ugu faraxsan nahay go’aankaa inay rido oo maanta (shalay) uu dhamaado,” ayuu yidhi Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Guddooyine ku xigeenku waxa kele oo uu intaa ku darya “Maalmahan waxaan TV-yada ka maqlayay Xildhibaanada reer Sool waxay diidan yihiin doorasho inay dhacdo, sidaad wada ogtihiin markii doorashaddii Golaha Wakiiladu dhacaysay Sool waxa haysatay Puntland iyo Laasacaanood, doorashana kamay dhaci Karin oo  maamul baa haystay, markaa doorashadu sidaasay uga dhici weyday, waad ogaydeen golihii deegaanka inuu ku xigay doorasho, tii Baarlamaanka, golaha deegaanka Laasacaanood waxa fadhiya gole deegaan oo la soo doortay oo doorasho ku yimid, annagaana ka hirgelinay inay doorashadaasi  ka dhacdo, cid Xildhibaan ah oo diidi kartaa doorasho ma jirto oo dhulka qaarkii Xukuumadda waxa looga baahan yahay inay nabaddgelyada sugto, annagana waxa nalooga baahan yahay dadkayaga in aanu diiwaan-gelino oo doorasho xor ah oo xalaal ah galno.” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe,isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi   “Aad ayaanu uga xun nahay oo waa gobollo muhiim ah, waxaanu xalku ku jiraa inaynu is qancinno, Xeerkani wuxuu ku jiraa ajandaha, ajandahana wuxuu ugu jiraa maaha in berri ama saadambe la soo dhigayo ee Xeerka qodobka ugu horeeya iyo ka ugu dambeeya ee kolba kii diyaar ah ayaa la soo dhigaa golaha. Xeerkan in wakhti hore la bilaabo ayuu ahaa, waxaanse soo jeedinayaa in la furo Dastuurka, in laba ama saddex qoddob la furo ayaan tallo ku soo jeedinayaa, furistiisa waa in saddexda gole ku heshiiyaan, haddaanaay  ku heshiinna lama furi karo, markaa waxaan soo jeedin lahaa in tirada Xildhibaanada golaha in la kordhiyo, laba Madaxweyne ku xigeen in dalka loo sameeyo, qodobka saddexaad ee doorashada ee mar kasta dhibaatada innagu haya, waxa weeyaan ka Dastuurka ah ee doorashada dib u dhacday qodobkaasna in la bedelo.”
Dhinaca kale Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in Buuhoodle ay ka mid tahay deegaanada Somaliland, waxaanu yidhi “Sida aynu ognahay maalin hore waxay u muuqatay in Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya dawooyin siinayay Cali Khaliif, wax kasta ha noqotee Buuhoodle waxay ka mid tahay Somaliland oo hadda Wasiir baa la diray, masuuliyaduna waxay saaran tahay Xukuumadda Somaliland oo inay xuduudaha iyo dalka inay isku hayso iyagaa masuuliyadu saaran tahay, Buuhoodle waad wada ogtihiin, Buuhoodle waa meel aan maamul ka dhisnayn. Waxa wada jooga dawladdo badan ayaa wada degan, markaa qof kaligii soconayaa waxba kama bedeli karo, reer Hargeysa TV-yada ayay daawadaane waxa jooga Puntland oo aan qarsoonayn, waxa jooga Khaatumo qolada isku magacowday, waxa, markaa rag dawladdo wada sheegayaana ayaa meesha jooga.” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply