Maxkamadda Sare Oo Ga’aan Ka Soo Saartay Khilaafkii Muddo Kordhinta Iyo Dhawaaqa Axsaabta Iyo Guurtidda

0
300

Hargeysa (Dawan)- Maxakamadda Dastuuriga ah ee jamhuuriya Somaliland ayaa shalay go’aan ka soo saartay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanay maxkamadu go’aamisay ku dhaqanka go’aankii Golaha Guurtida.
Maxakamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo ay laashay hishiiskii saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI Iyo UCID, heshiiskaas oo ay ku ku tilmaantay mid aan lahayn wax dhaqan-gal sharci ah, maadaama aanay golaha Guuritidu aqbalin soo jeedintii xisbiyadda.
Fadhigii shalay ee Maxakamadda Dastuuriga ah oo ahaa mid amaankiisa aad loo adkeeyay oo ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyayaasha saddexda xisbi qaran KULMIYE, WADDANI iyo UCID ,iyo wufuud ka socotay qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka innaga taageera ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed uu ka akhriyay go’aanka maxkamadda waxaanu u dhignaa sidan:-
 
“Maxakamada sare ee dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland markii ay aragtay qoddobka 98-aad farqadiisa koowaad xarafka B , oo sheegaya in garsoorku awood u leeyahay fasiraada macnaha xeerarka ka soo baxa golayaasha dastuuriga ah iyo Xarafka J, oo ah inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Markay aragtay qoddobka 15aad xeerka nidaamka garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Faqrada 1aad , xarafka B oo sheegaya fasiraada dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo marka laysku qabsado nuxurka ujeedadooda iyo farqada 11aad oo sheegaysa in maxakamad dastuuriga ahi ka taliso muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.
Markay deristay warqada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland MD/100/3054/08/2015 kuna saabsanayd codsi fasilaad ee uu ka dalbaday maxakamada dastuuriga kuna taariikheysnayd 8/8/2015-ka ,markii ay deristay go’aanka muddo  kordhinta ee Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland.
Tixraac G/G Jamhuuriyada Somaliland go’aan number 04 4/5/2015-ka kuna Taariikheysan 11/5/2015-ka markay deristay heshiiska saddexda xisbi qaran ee KULMIYE  WADDANI  Iyo UCID, isla markaana madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland gola joog ka ahaa kuna taariikheysan 27/5/2015-ka maxakamadu waxa ay ku sababaysay qaraarkeeda asbaabtan hoosku xusan:-
in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu dalbaday kaliya in tafsiir lagu sameeyo labada xili doorasho , ee ay kala tilmaamayaan go’aanka golaha Guurtida iyo saddexda xisbi qaran.
In aanu madaxweynuhu ka dalban maxakamada fasiraad ku saabsan in go’aanka muddo kordhinta ee Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiilada ee golaha guurtidu kordhisay waafaqsan yahay dastuurka iyo in kale isla markaana aanay jirin cid durtay.
Inaanay jirin heshiis midaysan oo saddexda xisbi qaran u gudbiyeen golaha Guurtida, intii aanay sameynin muddo kordhinta islamarkaana xisbiyada qaranka, heshiiskoodi qoddoba 1aad ku ixtiraameen go’aankii golaha Guurtidda.
-In gudida doorashadu ay cadeeyeen in aanay farsamo ahaan doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiiladdu  ku qabsoomaynin 26/6/2015-ka.
In muddo  xileedka shanta sanno  ee ay doorasho ku yimaadaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyay golaha Guurtidu, marka ay shanta sanno ee ay doorasho ku yimaadeen ay dhammaato si waafaqsan qoddobka 83aad faqadiisa 5aad iyo qoddobka 42aad, farqadiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mida.
 
In golayaasha qaranku fulinta iyo xeer dajinta waliba ay isku mid yihiin awoodooda sharci ee muddo xileedka ay doorasho ku yimaadaan iyo mudada loo kordhiyo aftidii dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba
Tusaalena waxa ah in xeer dajintu ay ku fadhiyaan muda kordhin ay abuureen xeerarka cusub iyo gudiyo masuuliyiin qaran IWM
Dhinaca kalana aftidi dastuurka ee 2001-dii horteed iyo dabadeedba waxa jiray madaxweyneyaal dalka soo maray saxeexayna xeerar iyo mashruucyo sharci si ay u dhaqan galaan, islamarkaana magacaabay masuuliyiin qaran iyo guddiyo waxa kale oo ay qaateen go’aano masiiriya iyaga oo ku fadhiyay muddo kordhin in awooda qoddobka 7aad
in awooda muda kordhinta golayaasha kala duwan ee qaranka marka ay dhammaato muddo xileedka ay doorasho ku yimaadeen uu leeyahay golaha Guurtidu, si waafaqsan qoddobka 83aad faqradiisa 5aad iyo qodobka 42aad farqadiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuiriyada Somaliland.
Sidaa darteed maxakamada dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland waxa ay soo saartay qaraarkan fasiraada ah:-
Waxay go’aamisay maxakamaddu ku dhaqanka xiliga qabsoomida doorashadda Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiilada inuu noqdo sida ku cad faqrada B qaybta 5aad ee go’aanka Guurtida kuna beegan bil ka hor dhammaadka mudada xilka loo kordhiyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo ku dhamaanaya 27/4/2017-ka si waafaqsan qodobka 83aad faqrada 2aad iyo qodobka 42aad faqrada 2aad iyo 3aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa ay maxakamadu laashay heshiiskii saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI  Iyo UCID  ee ku taariikheysan 27/5/2015-ka mana laha wax dhaqan gal sharciya maadaama Golaha Guuritidu aanay aqbalin soo jeedintii xisbiyada si wax ka bedal iyo kaabis loogu sameeyo , go’aanka muddo  kordhinta Golaha Guurtida ee ku taariikheysan 11/5/2015-ka.
Waxay go’aamisay maxakamadu in maalinta doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo golaha Wakiiladu noqoto 28/3/2017-ka kuna began bilka hor dhammaadka mudada xilka loo kordhiyay oo ah 27/4/2017-ka waana in si rasmiya u soo cayinto gudida doorashooyinka qaranku. ,Islamarkaana waa in Madaxweynuhu ku soo saaro digreeto ,sida uu dhigaayo qodobka 8aad xeerka Number 20 ee 2001-da
Waxaanay go’aamisay maxakamadu in muddo  xileedka shanta sanno ee ay doorasho ku yimaadaan ,Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyo golaha guurtidu markay shanta sanno ee muddo  xileedka doorashadu ay dhammaato si waafaqsan qodobka 83aad farqadiisa shanaad iyo qodobka 42aad farqadiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ay ku yimaadeen leeyihiin dhaqan gal sharci oo isku mida
Waxa soo saaray qaraarkan fasiraadda ah garsoorayaasha kala ah:
Aadam Xaaji-Cali Axmed Gudoomiye
Maxamed Cumar Geelle Xubin
Cabdiqaadir Axmed Maxamuud Xubin
Maxamed Faarax Siciid Xubin
Axmed Diiriye Qaalib Xubin
Cali-Shucayb Sh. Ibraahim Nuur Xubin ·
Cabdiraxman Jaamac Hayaan Xubin
Cabdillahi Cabdi Aadan Xubin
Yaxye Cali Idiris Xubin
Cabdiraxman Xuseen Caynaan Xubin
Cabdiraxman Xassan Nuur Xubin
Sahra  Ismaciil Cabdillahi Kaaliye Sare”
 
Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa iyaguna soo dhaweeyay go’aanka iyo tafsiirka ay soo saartay maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland, waxaanay dhammaantood sheegeen in ay ixtiraamayaan kuna dhaqmayaan go’aankaas maxkammadu soo saartay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu horrayn warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland  qaraarka ay  soo saartay aragtidii baryahanba la hadal hayay ,ee ay xisbiyadu ku doodayeen, ee ahayd in hore loo soo mariyo doorashada ,waxaanay soo saartay qaraar ah in la raaco kii Guurtida, hadalkiina halkaasu ku dhammaaday ,sida uu yahay baana loo fulinayaa INSHA ALLAAHU kheyr baanay noqon doontaa murankiina waa uu innaga dhammaaday imika kaliya waxa la sugayaa in  loo diyaargaroobayaa  waa doorashadda.”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka hadlay dareenkiisa waxaanu yidhi “Go’aanka maxakamada sare ka soo baxay waanu ogol nahay ,waayo maxkamaddu ixtiraam ayay innaga mudan tahay, waana in saddexdayadii xisbi dibada tagnaa, adduunkana  waa inaan ka dhaadhiciinaa  inay nala taageeraan go’aanka maxkamada sidii ay doorashadda innooga taageeri jireena ay innooga taageeraan.”
Waxa kale oo isaguna madasha ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane C/raxmaan Maxamad C/laahi (Cirro) waxanu yidhi “Go’aanka ay maxkamaddu soo saartay sidiisa  ayaan ku qaadanaynaa.”
Geesta Kalena Shir-gudoonka golaha  Guutidda ee Somaliland ayaa   si weyn u soo dhaweeyay  go’aankii ay maxakamada sare tafsiirka kaga bixisay khilaafkii ka dhashay  muddo kordhinta ee  Guutidu ugu kordhiyeen madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golaha  Wakiiladda.
 
 
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha  Guutidda ahna ku simaha gudoomiyaha  Siciid Jaamac Cali, oo shalay warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sare waxa uu sheegay in ay ka  gole guurti ahaan  soo dhawaynayaan    go’aanka   ka soo baxay maxakamda.
waxaanu yidhi “Maxakamda sare waxay waafaqday go’aankii golaha guurtida, kaas oo waafaqsan distoorka qaranka qodobkiisa 83aad, farqadihiisa 2aad iyo 5aad, sidoo kale maxakada sare waxay waafaqday qodobka 42aad faradihiisa 2aad iyo 3aad oo ah kii aanu markii horeba ku salaynay go’aankayaga”.
 
 
 
Md. Siciid Jaamac waxa kale oo sheegay in gole ahaan ay bogaadinayaan maxakamada sare, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Maxakamada sare waxaanu ku bogaadinaynaa sida fiican ee u qaadatay sharciyada, waana maxakamadii distooriga ahayd ee loogu talo galay in karka uu yimaado muran ay ka bixiso tafsiir, qaraarna ka gaadho.
 
Annaga marka ay doorashadu ka baaqato xiligii loogu talo galay, sidaasna ay cadeeyaan hay’addihii ku shaqo lahaa  oo ay kow ka tahay komishanka doorashooyinku ayaa annaga arrinta la noola yimaadaa. Hadii berito la cadeeyo in aanay doorasho qab soomayn qodobkii distooriga ahaa halkiisii buu yaala”.
Waxaanu intaasi ku daray “Haddii  aanu  nahay  golaha   Guutidda  waxaanu hore u sheegnay in aanu qaadan doono go’aan kasta oo ka soo baxa maxakamada sare ee dastooriga ah.” Ayuu yidhi mar uu ka hadlaayay balan qaad hore oo ahaa in gole ahaan ay aqbali doonaan waxa ay maxakamda sare go’aamiso.
Dhinaca kale go’aankan ka soo baxay maxakamadda sare  waxa si wada jir ah u soo dhaweeyay dhammaan dhinacyadii  uu  ka dhexeeyay   khilaafkan   muddo   kordhinta   oo   kala ahaa   xukumadda, golaha Guutidda iyo xisbiyadda mucaaridka ah.
By Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply