Shimbir Cabsi Ku Abuuray Dadkii Deegaanka

0
349

Dadka degan guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Aenpuren ee dalka Jarmalka ayaa ka argagaxay isla markaana ay cabsi ku dhalatay markii ay guriga dhexdiisa ka maqleen codad aad ugu eeg mid caruureed oo ku celcelinaya “Baba, iyo Mama”.  Dadka deganaa dabaqan ayaa si degdeg ah ugu yeedhay booliiska si ay arrinkan u baadhaan.
Booliiska ayaa markii ay guriga yimaadeen iyaga laftigooda maqlayay codka caruurta ah ee ku celcelinaya erayada Baba iyo Mama.
Markii ay booliisku si degan u galeen qolkii uu codku ka baxayay aad ayay u yaabeen maxaa yeelay waxay ugu tegeen shimbirka Babqaaga oo ku jira Qafas. Waxase booliisku ku guulaystay inay helaan qoyskii degenaa qaybtan kuwaasi oo ahaa lamaane is qaba iyo laba caruur ah oo ay dhaleen iyagoo shimbirkooda ku sii xidhay guriga ka dib markii ay u bexeen dalxiis kooban.  Booliiska ayaa mar danbe cadeeyay in  shimbirtu ay ahayd nooca Babqaaga oo iyagu ku dhawaaqa hadalada dadka ay la nooshahay ku dhawaaqaan kuna celceliyaan.
 

Leave a Reply